Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya waxey ka digeysaa shirkadaha sharci darada ah u jooga dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia waxay si dhaw ula socotaa dhaqaaqa shirkadda ARC oo Shiine laga leeyahay taas oo waayahan danbe si sharci darra ah macdan baaris iyo qodis uga wada Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal. ARC hawlaha sharci darrada ah ee ay wado waxay abuurtay xasilooni darro soo wajahday degaanadaas kadib markii ay qoratay boqolaal meleeshiyaad ah oo ilaalinaya shirkadda iyo shaqaalaheeda islamarkasna ay bara kicisay dadkii iyo duunyadii deegaankaas ku noolaa.

Dawladda Soomaaliya waxay walwal ka muujnaysaa, sida horeba u dhacday, in shirkadaha sharci darrada ahi ay qaarkood ku hawlyihihiin inay sun ku aasaan badda iyo barriga Soomaaliya. Si looga fogaado xasarado iyo colaado ka dhaca gobolkaas, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa ARC inay si degdeg ah u joojiso macdan baarista sharci darrada ah ee ay wado taas oo dhalisay xasarad siyaasadeed & nabadgelyo oo ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa meel nabdoon.
Dowladda Soomaaliya, waxay ujeedinaysaa dawladda China in shirkadaha dalkeeda laga leeyahay aysan ka qayb qaadan sii hurinta colaadaha sokeeye ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Waxaan uga digeynaa dhamaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo shidaalka baara inay galaan heshiisyo sharci darro ah, oo heerkoodu ka hooseeyo habdhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo baxaan khayraadka Soomaaliya, kuna qaataan si rakhiis ah oo aan waafaqsanayn sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya macdan iyo shidaalka. Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya masuul kama aha wixii dhibaato ama khasaare ah oo soo gaaro shirkadaha sida sharci darrada ah kusoo gala dalka.

Wasaaraddu waxay ka dalbanaysaa ARC inay si degdeg ah u joojiso hawlaha sharci darrada ah ay wado, dalkana isaga baxdo.
“Sidoo kale; wasaaradda Macdanta & Batroolka, waxay beeninaysaa, warbixinno been ah oo ay qoreen qaar ka mid ah Shabakadaha Soomaalida oo sheegay in Dawladda ka codsatay Shiinaha inay ka caawiso macdan iyo shidaal baaris.

Wasaaraddu waxay caddeynaysaa inaan warkaas waxba ka jirin. Waxa kaliya ee looga hadlay shirka dhex maray Wasaarada Arrimaha Dibadda & Wasaaradda Macdanta & Batroolka, JFS iyo Safaaradda Shiinaha waxay ahayd kaliya arrinta shirkadda ARC oo dhaqadhaqaaq sharci darro ah ka bilowday Soomaaliya gudaheeda, iyadoo ku xadgudubtay shuruucda caalamiga iyo madaxbanaanida waddanka, kuna tumatay midnimada dalka & go’aamada UN ta ee ku wajahan Soomaaliya.

Previous Post

Xafiiska caafimaadka iyo faya dhowrka oo laga furay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Amniga Buuraleyda Galgala oo la xoojiyay

Next Post
Amniga Buuraleyda Galgala oo la xoojiyay

Amniga Buuraleyda Galgala oo la xoojiyay

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In