Shirkii looga hadlayay arrimaha Qaxootiga Soomaaliya ee ka socday dalka Uganda ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku saabsan go’aannada ka soo baxay shirkaasi.
Shirkaasi waxaa ka qeybgalayay wafdi uu horkacayo madaxweynaha J. F. Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo”.
Guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha ee dowladda F.Soomaaliya Axmed Daahir C/kariin oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirkaasi uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in shirka maanta laa soo gunaanadayo.
Halkan ka dhageyso hadalka Axmed Daahir C/kariin