Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Kismaayo  “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Kismaayo  “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Kismaayo  ayaa maanta waxaa si rasmi ah ugu furmay shirka Madasha wadatashiga Qaran ee looga arrinsanayo nooca ay noqoneyso doorashada la filayo in dalkeena Hooyo ay ka dhacdo 2016-ka, iyadoo ay ka qeyb galeen qeybaha kale duwan ee bulshada magaaladaasi.

madasha shirkani uu ka dhacayo ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka dastuurka dowladda Soomaaliya, xildhibaanno ka socday dowladda, madax ka tirsan Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo, sida dhalinyarada, haweenka, odoyaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka.
Madaxweeyne ku xigeenka 2-aad ee Maamulka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamuud oo shirkaasi ka hadlay ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in dadka ay ka tashtaan aayahooda islamarkaana ay talo ay ku darsadaan shirkani kuwaa oo noqon doono go’aamada looga tashanayo masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Wasiirka dastuurka dowladda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo isna khudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa sheegay in la doonayo in bulshada Soomaaliyeed ay ra’yigooda ka dhiibtaan sida ay u dhici doonto doorashada maadaama la doonayo in sanadda soo socoto la qabto doorashooyinkii Soomaaliya.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa waxaa ka furmay shirarka noocaan oo kale ah oo lagu go’aamiyay shirkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee madasha wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galaan madaxda dalka.

Dastuurka KMG ee dalka ayaa dhigaya in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Baarlamanka Federaalka muddadooda afarta sanno ay ku eg tahay bilaha August iyo September ee sanandka 2016-ka xiligaasi oo la qabanayo doorasho ka dhacda dalka.

20151116635832653856058060DSC_0431 20151116635832655970679863DSC_0445 20151116635832656342493152DSC_0455 20151116635832656471747740DSC_0464 20151116635832656597226323DSC_0475 20151116635832656737871695DSC_0486 20151116635832657070204817DSC_0504 20151116635832657264172267DSC_0558 20151116635832657919618846DSC_0572 20151116635832658147493506DSC_0577 20151116635832658372548026DSC_0585 20151116635832658492778844DSC_0587

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha PuntLand oo Columbus Kula Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Magaaladaasi “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In