Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO: Shirkii Madaxweynaha iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warmurtiyeed
Kulamadii Wadatashi ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland, Jubbaland iyo Koofur-Galbeed.

6 Febraayo 2015, Muqdisho: Iyaga oo ka jawaabaya martiqaad ay ka heleen Madaxwenaha Jamuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa booqasho qaadatay saddex maalmood ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wafuud ay kala hogaaminayaan saddexda Madaxweyne ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Ujeeddada martiqaadka Madaxweynaha ayaa ahayd wadatashi ay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si argti Qaran oo midaysan looga yeesho arrimaha Soomaaliya. Muddadii saddexda maalmood ahayd waxay dhinacyadu yeesheen kulammo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, waxaa ugu dambeyntii la isku raacay qodobbadan:

1. In la abuuro lana joogteeyo Madasha Wadatashiga Madaxda Saree e Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ah iyada oo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garowe, Bisha April 2015.
2. Waxaa jiri doona Guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha Madasha.

3. Qorshaha lagu gaarayo Hiigsiga 2016 wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

4. Waa in la dardargeliyo dhismaha Dowlad Goboleedyada harsan iyo Guddiyada Dastuuriga ah ee Madaxa Bannaan si loo dhammaystiro hannaanka Federaalka.

5. Waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi heer Wasiirro ah oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah kaas oo dib u eegis iyo dardergalin ku samayn doona qorshayaasha Cahdiga Cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah.

6. Waxaa la isla gartay in Dowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wadashaqeyn buuxda la yeelanaya Xafiiska heer Federaal.
7. In si wadajir ah dalka Soomaaliya looga suuliyo kooxaha arga-gixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka.
8. In la de-dejiyo dhismaha Guddiga Dastuuriga ah ee Amniga Qaranka.

9. Inta la gaarayo Dhismaha Guddiga Amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ka talo bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.

10. Waxaa la isku raacay in la meel mariyo dhammaan heshiisyada la galo.

11. Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed iyada oo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.

12. Madaxda Sare waxay ka mahadceliyeen kaalmada joogtada ah ee ay Beesha caalamku la garab joogto Soomaaliya, waxayna ka codsadeen kaalmadaas in la kordhiyo lana joogteeyo.

DHAMMAAD

DAAWO

Previous Post

Dab ka kacay suuqa shidaalka Jowhar oo lagu guuleystay in la damiyo{SAWIRRO}

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 06 02 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 06 02 2015

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In