Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Wadatashiga Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda Soomaaliya Oo Wajigiisii Sedexaad Ka Furmaya Maanta Kismaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lagu wadaa in Shirka wadatashiga Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maamul goboleedyada wajigii sedexaad uu ka furmo magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galayaan hogaamiyeyaasha maamulka goboleedyada iyo madaxda Dowladda Soomaaliya.

Shirkani oo horey uga kala dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho ayaa waxaa looga hadli doonaa sida qorshuhu uu yahay Hiigsiga 2016-ka, waxaana madaxda maamul goboleedyada, Ra’isul Wasaaraha xubno ka tirsan labada gole, iyo madaxweynaha ay ku wada sugan yihiin magaaladaasi oo xalay ku hoyden.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Wejigii 1-aad ee Shirkaan ayaa ka furmay magaalada Muqdisho February 6,  2015, waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah oo la’isku af gartay.

Wejiga Labaad ee shirkaan ayaa isna ka dhacay magaalada Garoowe Sabtidii  May 2, 2015, waxaana ka qeybgalay madaxda dowladda iyo maamul gobaleedyada dalka.

Maanta oo ay tahay 13-ka September ayuu shirkaan ka furmayaa magaalada Kismaayo, waan wejigii Sedaxaad, waxaana xigi doonta magaalada Baydhabo oo iyana shirkaan lagu qaban doono sida qorshaha yahay.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo Dr Dufle Iyo Dr Dalmar Guddoonsiiyay Shahaadooyin

Next Post
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo Dr Dufle Iyo Dr Dalmar Guddoonsiiyay Shahaadooyin

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo Dr Dufle Iyo Dr Dalmar Guddoonsiiyay Shahaadooyin

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In