Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Shirweynaha 8-aad ee doorashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Shirweynaha 8-aad ee doorashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweynahan oo si weyn loo soo agaasimay isla markaana ujeedkiisu ahaa in lagu doorto hogaanka cusub ee afarta sano ee soo socata hogaamin doona xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo cayaaraha, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, qaar ka mid ah xiriirada isboorti ee dalka ka jira kooxaha u diiwaan gashan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska, qubaro isboorti iyo marti sharaf kale.

Hadaba inta aan la gudogelin doorashada waxaa goobta lagu soo bandhigay waxyaabaha 4-tii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska, waxaana saxaafada warbixin kooban u akhriyey guddoomiyaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Cabduqaadir Cumar Abukar.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Cali Xasan ayaa goobta ka akhriyey magacyada musharixiinta u taagan qabashada xilalka kala duwan ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska ee 4-ta sano soo socota.

Intaas kadib xubnahii xaqa u lahaa inay codeeyaan ayaa ugu dambeyn si aqlabiyad leh oo gacn tag ah ugu codeeyay xubnahii musharixiinta ahaa maadama aysan jirin cid kale oo tartan la gashay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Cali Xasan ayaa markale ku dhawaaqay magacyada iyo xilalka musharixiinta la doortay, waxaana ay kala yihiin sida hoos ku qoran:-

1-  Maxamed Abukar Xiirey Liibaro Guddoomiye

2-   Maxamed Geesey Diinle  Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

3- Iitoob Cabdi Xasan Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

4- Maxamed Ibraahim Muu’min Guddoomiye ku xigeenka 3-aad

5- Batuulo Xaaji Nuur Guddoomiye ku xigeenka 4-aad

6-  Qadiijo Axmed Culusow Xubin

7- Maxamuud Yuusuf Maxamed Xubin

8-  Cabdisamad Xasan Cumar Xubin

Qaar ka mid ah kooxaha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galay doorashada ayaa ballan qaaday inay si hufan ula shaqeyn doonaan maamulka cusub ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda laliska

Gudoomiyaha cusub ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska Maxamed Abukar Xiirey Liibaro ayaa u mahadnaqay xubnihii doortay, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay inuu xoojin doono ka shaqeynta horumarinta kubadda Lalaiska

Lataliyaha Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Ibraahim Xuseen Cali “Roombo” oo munaasabada soo xiray ayaa mas’uuliyiinta la doortay kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Previous Post

Waalidiin wiilashooda ku xiran dalka Cuman oo dowladda Federaalka ka codsaday in loo soo daayo

Next Post

Maamulka Degmada Warta Nabadda oo bur buriyay dhismayaal sharci darro ah “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Warta Nabadda oo bur buriyay dhismayaal sharci darro ah “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Warta Nabadda oo bur buriyay dhismayaal sharci darro ah “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In