Monday, November 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin oo la soo gabogabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha Aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin oo la soo gabogabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa la isku waydaarsaday doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadaneen hawlwadeenno ka kala socday hay’adaha dowladda, warbaahinta dalka, ururada saxaafadda, bulshada rayidka, culimada iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha Warbaahinta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta taban ee ay bulshada ku leeyihiin  ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga Qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025

Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga Qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

Ka qeyb galayaasha hadalada ka jeediyay doodaha shirka waxaa mid ahaa Wasiiro, Xildhibaanno, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Culimo, Dhaqan, Booliiska Soomaaliya, Khuburo saxaafadeed oo ka kala socotay Warbaahinta gaarka ah iyo ururada Saxaafadda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac  ayaa sheegay in ujeedka  shirkan yahay aragti

Isweydaarsiga dowladda iyo dadkeeda si xal loogu helo dhibaatada faafinta wararka been abuurka ah.

Ka qeyb galayaasha ayaa sidookale, si qoto dheer uga dooday saameynta wararka been abuurka ah ku leeyihiin nolosha bulshada iyo sida ugu macquulsan oo lagu xakameyn karo si waafqsan sharciga dalka.

Ajandayaasha laga dooday waxaa  ka mid ahaa

Baahinta wararka aan la hubin, ama been abuurka ah iyo Warbaahinta casriga ah.

Saameynta wararka abuurka ku leeyihiin kicinta xasaradaha bulshada iyo colaadaha sokeeya.

Muxuu sharcigu ka qabaa faafinta wararka been abuurka ah iyo saameyn intee la eg ayayse ku leedahay dowlad dhiska.

Waa maxay tallaabooyinka loo baahanyahay si loo xakameeyo wararka been abuurka?

Sidookale waxaa khubarada ka qeyb galaysay shirka soo jeediyeen mowduucyo ay ka mid yihiin.

Diinta Islaamka waxa ay ka qabto been abuurka.

Booliska iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wararka been abuurka.

Habka hubinta wararka been abuurka ah iyo wadiiqada loo maro xaqiiqo raadinta wararka.

Dood Falanqeyn dheer kadib kka qeyb galayaashaasha ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo la xiriira xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada waxaana ay badan kood soo jeediyeen.

In Dowladda, ururada Saxaafadda Wadajir uga shaqeeyaa sameynta wacyi gain xooggan oo la xiriirta ka hortagga sameynta iyo faafinta wararka been abuurka.

In Dowladda dhaqan galiso shuruucda degsan ee la xiriirta xakameynta faafinta been abuurka si loo maareeyo qataraha ka yimaada been abuurka, marin habaabinta iyo hubin la’aanta wararka.

In sidookale la sameeyo xeerar la jaan qaadi kara Warbaahinta casriga ah laguna xakameyn karo dambiya iyo faafinta been abuurka ah ee lagu sameeyo baraha dadku ku xiriiraan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo soo xiray shirweynaha ayaa sheegay in shirkani uu muhiim u ahaa hey’adaha dowladda, qeybaha bulshada, culimada iyo khubarada kale in ay ku wadaagaan aragtidooda si furan, si xal looga helo wararka aan la hubin, marin habaabinta ku dhisan ama hubinti la’aanta loo baahiyo, kuwaas oo saameyn taban ku leh bulshada.

Wasiir Daa’uud ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ka shaqeynayso hirgalinta aragtiyaha iyo xogaha ka qeyb galayaashu ku wadaageen shirkani oo dhammaantood taabanaya dhibaatada dalkeena iyo dadkeena ay ku hayaan wararka been abuurka ah.

Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay soo saari doontaa warbixin dhameystiran oo la xiriirta natiijada doodihii wax ku oolka ahaa ee shirweynaha aragti wadaagga xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.






















Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kormeeray qoysas ku soo barakacay duleedka Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Next Post
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu oo noqdo  Ergeyga...

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In