Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha ITU oo ka furmay Dubai, iyadoo qaraar Soomaaliya khuseeya uu horyaallo

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha ITU oo ka furmay Dubai, iyadoo qaraar Soomaaliya khuseeya uu horyaallo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

21,Safar,1440 (Dubai) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, ayna xubno ka yihiin mas’uuliyiinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka qeyb galaya shirweynaha ugu sarreeya ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shirweynahan, oo afartii sanaba mar la qabto, ayaa ah shirka ugu heerka sarreeya ee ITU, kaas oo lagu doorto hoggaanka ururka, laguna ansixiyo qorshayaasha iyo go’aannada arrimaha masiiriga ah ee khuseeya isgaarsiinta adduunka ee afarta sano ee soo socota.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Shirweynahan ayaa xiiso gaar ah u leh isgaarsiinta iyo teknoolojiyada Soomaaliya ka dib markii lagu guuleystay shaqooyin badan oo sare u qaadaya isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, sida ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo Soomaaliya oo soo ceshatay xuquuqda codeynta oo ay kaga qeybgali karto doorashada dhacaysa, kuwaas oo sare u qaadday maqaamka uu dalkeenu ku leeyahay ITU.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu u gudbisay ITU qaraar u gaar ah dalkeena oo loogu talo galay in lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, kaas oo Wasaaradda iyo Hay’adduba ka soo shaqeeyeen, kana soo dhaadhiciyeen kulamada heer qaarad Afrika iyo Carabtaba ee ITU.

“Fursad qaali ah ayay noo tahay inaan maqaamkan kaga faa’iideysano horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena. Haddii shalay na loo arki jiray dad aan xuquuq lahayn, maanta waxaan qeyb ka nahay go’aamada la gaarayo”, ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaana fursaddaas uga faa’ideysaneynaa inaan ka wada hadalno horumarin iyo iskaashi uu dalkeenu la yeesho dalalka dhiggeena ah.”

Previous Post

Galmudug oo soo dhowaysay gogosha Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Dowlad Gobaleedyada

Next Post

Kulan looga hadlayey doorka Haweenka ee ka qeyb galka Siyaasadda dalka oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Next Post
Kulan looga hadlayey doorka Haweenka ee ka qeyb galka Siyaasadda dalka oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Kulan looga hadlayey doorka Haweenka ee ka qeyb galka Siyaasadda dalka oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In