Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Qaran ee Xeer-Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 13, 2017
in Wararka
0
Shirweynaha Qaran ee Xeer-Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee  Qaranka ayaa soo qaban qaabiyay, hir-geliyeyna Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, kana dhacay Hotel Jazeera magaalada Muqdish, kaas oo socday muddo laba maalmood ah 12 ka -13 ka Disembar 2017.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan oo ka kooban heer Federaal iyo heer Dowlad gobaleed, waxayna kala yihiin:- Ururka Qareenada Soomaaliyeed, Madaxda Hey’adda UNSOM ee arrimaha Caddaaladda iyo Asluubta, Hey’adda IDLO, Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xeer-ilaaliyeyaal ka socday Dowlad Goboleedyada dalka kajira sida Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeele iyo Koofur galbeed, qaar ka mid ah ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida,  Guddiga Garsoorka ee Golaha shacabka, Guddiga Garsoorka ee Aqalka sare, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Bahda Saxaafadda  iyo marti sharaf kale.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Ujeedada Shirka: ujeedka shirku waxa uu ahaa in laga doodo Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed iyo in la abuuro Dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan xirfadleyda Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed si dalladaas loogu ilaaliyo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay shirka ka jeediyeen hadalo dhaxal gal ah oo qiime weyn ugu fadhiyey Ajandaha shirka laakiin aanaan halkaan ku soo wada koobi karin, hadii aan wax yar ka tilmaanno in yar oo ka mid ah nuxurka hadalada shirka laga yiri, waa sidan:-

Jeneraal Bashiir: Taliye Xigeenka Boliiska Soomaaliyeed “waa muqadas xiriirka ka dhexeeya boliiska iyo Xafiiska xeer-ilaalinta dalka, Xeer-ilaalintu waxay talo siisaa, saxdaana Boliiska, sidaas darteed waxaan farayaa dhammaan Boliiska Soomaaliyeed in ay raacaan kuna dhaqmaan talooyinka Xeer-ilaalinta dalka”.

Wasiirka Cadaaladda dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Xasan Xaaji “Waxaan u baahannahay in aan dalkeena burburka ka soo kabanaya  caddaalad ugu shaqeyno”, “waxaa loo baahan yahay in la sameeyo olole ku aadan caddaaladda dalka, hadii caddaalad la helo waxaa meesha ka baxaya musuqmaasuqa, amni darada, iyo maamul xumada.”

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka aqalka sare Senator Faadumo Xasan “Walaalayaal caddaaladda ha laga shaqeeyo, xabsiyada hala booqdo, dad badan ayaa caddaalad darro u xiran una dhibaateysan, inkasta oo wax la qabtay hadana wax weyn ayaa qaldan”.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir “qofka Soomaaliga ahi waxa uu caddaalad u aqoonsan yahay sida uu isagu u arko in ay ku jirto maslaxadiisa bedelkeedana caddaalad darro ayuu sheeganayaa”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Dr. Ibraahim Iidle “Oraah baa tiraahda Ilaahey waa ilaaliyaa Dowlad caadil ah Muslimba yey ahaanine, yabooha/ ilaalinta Alle ma hesho Dowlad aan caadil aheyn Muslimba ha ahaatee”, “Caddaalad  waxay ka timaadaa marka la xaqiijiyo sareynta Sharciga, Sareynta sharcigu waxay laf dhabar u tahay Dowlad wanaagga, iyo jiritaanka amniga.”

Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo socday muddo laba maalmood ah 12-13 December 2017,  waxay ka soo qeyb galayaashu ka soo saareen war-murtiyeedka  soo socda:-

  1. Ka qeyb galayaasha shir-waynaha waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo hey’adaha gacanta ka geystay sida UNSOM iyo IDLO.
  2. In ay adkeeyaan xiriirka ka dhexeeya Xeer-ilaaliyeyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, taasi waxay qeyb lixaad leh ka qaadaneysaa habsami u socodka howlaha Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed.
  3. In ay lagama maarmaan tahay sameynta dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Xeer-ilaaliyeyaasha Dalka, dalladaas oo lagu ilaalinayo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, iyo sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, dalladdu waxay wax weyn ka qabaneysaa dhisidda, kobcinta, iyo tayeynta Xeer-ilaaliyeyaasha, abuurista Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Dowlad gobaleedyada, kuwa aan lahayn xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa oo kaliya.
  4. Madaxda kala duwan ee shirka ka soo qeyb gashay waxay doorteen Guddi farsamo oo ka kooban 7 xubnood, oo sameyn doona Xeer-hoosaadka iyo qaab dhismeedka Dalladda Guud oo ay ku midoobayaan Xeer-ilaaliyeyaasha heer federaal iyo heer dowlad-gobaleed.
  5. Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay yeeshaan shir sannadle ah, oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan xubnaha Dalladda, iyo mid afar biloodle ah oo ay yeelan doonaan gudiga maamulka Dalladda, laguna qaban doono dhammaan Xarumaha Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ee soomaaliya, qaab meerto ah.
  6. Shir-waynuhu waxa uu si buuxda u taageeray dib u habeynta hannaanka caddaaladda dalka, sidoo kale dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay hoosta ka xarriiqeen lagama maarmaan-nimada ka qeyb qaadashada, hogaaminta, iyo go’aan ka gaarista hannaanka caddaaladda gaar ahaan qeybta kaga aadan xiriirka ka dhexeeya Xafiisyada Xeer-ilaalinta iyo qaab dhismeedkooda heer Federaal iyo heer Dowlad-gobaleed intaba.
  7. Shirweynuhu waxa uu si xoog leh u taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee uu gaaray Guddiga Amniga Qaranka ee Hannaanka Caddaaladda dalka oo ku saleysnaa habka isku dhafka oo afka qalaad loogu yeero (Mixed System), waxa uuna shirweynuhu soo jeedinayaa in si deg deg ah loo dardaro geliyo dhameystirkiisa.
  8. Shir-weynuhu waxa uu garwaaqsaday doorka la taaban karo oo ay Haweenka Xeer-ilaaliyeyaasha ahi ku leeyihiin Xafiisyada Xeer-ilaalinta Dalka, sidoo kale waxaa leysla gartay in Haweenku qeyb lixaad leh ka ciyaaraan hirgelinta iyo habsami u socodsiinta howlaha xafiisyada Xeer-ilaalinta heer Federaal iyo Heer dowlad-gobaleed, sidoo kale shir-weynuhu waxuu dhiirigeliyey in la fududeeyo lana taageero doorka haweenka.
  9. Gunaanad, shir-weynu waxa uu hoosta ka xariiqay doorka xeer-ilaaliyayaashu ku leeyihiin Dalka, iyo in la ictiraafo ahmiyadda iyo ilaalinta sareynta Sharciga dalka u dhigan.

ALLA A MAHAD LEH

Arbaco: 13-12-2017

Muqdisho, Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Shirka 37aad ee Midowga Idaacahada Dowladaha Carabta oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo heshiis la gaaray Guddiga doorashooyinka Puntland “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo heshiis la gaaray Guddiga doorashooyinka Puntland “SAWIRRO”

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo heshiis la gaaray Guddiga doorashooyinka Puntland "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In