Shirweynihii 9-aad ee golaha qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay dowladaha Ingiriiska, Turkiga iyo Soomaaliya.
Shirweynaha ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, iyadoo ka soo qeyb galayaasha kulanka ay soo bandhigeen aragtidooda ku aadan mustaqbalka amni iyo dhaqaale ee dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi si fogaan arag ah uga qeybgalay Shirweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay dadaalkan lagu horumarinayo dalka.