Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa oo Nairobi Lagu gebagebeeyay, Hoggaan Cusubna Doortay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa oo Nairobi Lagu gebagebeeyay, Hoggaan Cusubna Doortay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa ee loo magiciisa loo soo gaabiyo (EAJA) oo ay ka mid yihiin  Somalia, Djibouti, Uganda, Tanzania, Seychelles, Rwanda, Burundi, Ethiopia and Eritrea, hotelka Monarch ee magaalada Nairobi 30-31 Luulyo, 2015.

Shirweynaha ayaa ujeedadiisu tahay sidii oo loo soo afmeeri lahaa khilaafka muddada sanadka ah jira ee ka dhex jira urur goboleedka ee la xiriira dhinaca hoggaanka, taasoo magaca ururka dhaawac khatar ah u geysatay.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Shirweynaha  oo ay martigelineyeen ururada Suxufiyiinta ee Kenya ee KCA iyo KUJ ayaa waxaa soo abaabulay ururka Suxufiyiinta Africa iyo Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Adduunka xafiiskiisa Africa, iyadoo dhaqaale ahaana ay taageereen deeq bixiyaal dhowr oo ay ku jirto safaarada dalka Canada ku leeyahay magaalada Nairobi.

Urur horeyn waxaa meesha furitaanki ka hadlay Wiliam Oloo Janaak oo ah Guddoomiyaha Ururka Kenya Correspondents Association (KCS) iyo  Eric Oduor oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Kenya (KUJ) oo martigelinayay shirka oo ay soo qabanqaabiyay xafiiska Ururka Suxufiyiinta Africa, oo ah urur goboleedka ururka suxufiyiinta Adduunka (IFJ).

Gudduuomiyaha FAJ, Maxamed Garba oo ayaa furitaanka shirka qiray in dhibaatooyin adag ay heystaan suxufiyiinta bariga Africa  oo ay ka mid yihiin, xarig, dil, dhibaateyn iwm, isagoo tilmaamay in midnimo looga gudbi doono. Shirka waxaa kale oo ka soo qeyb galay wakiilo ka socdo Safaaradda Canada ee Nairobi, Hay’adda FES oo labaduba dhinaca dhaqaalaha ka taageerayay shirka, Xoghayaha Fulinta ee Golaha Qareenada Caalamiga ah (ICJ), Xoghayaha Fulinta ee Golaha Warbaahinta Kenya.

Labo maalmood oo shirku socday ayaa maalintii shalay ee furitaanka shirka kadib, waxaa goobta lagu shaaciyay buugyare oo ay iska kaashadeen ururka suxufiyiinta bariga Africa iyo Kan Africa oo lagu magacaabo Investigative journalism and corruption.

Ugu dambeyntii, ka soo qeybgalayaasha shirka oo metelay 11 dal oo Bariga Africa ah ayaa waxaa meesha ku doorteen hoggaan cusub, iyadoo doorashaduna ay u dhacday hab cadcadaan ah. Waxaana Guddoomiye loo doortay – Abraham Antenneh (Ethiopia), Guddoomiye Ku xigeenka koowaad, Mr Eric Oduor (Kenya), Guddoomiye ku xigeen – Marwo Aisha Youssouf (Djibouti), Xoghaye Guud– Mr Alexandre Niyungeko (Burundi),  Qasnaji– Marwo Saphia Ngalapi (Tanzania), La taliye– Stephen Ouma Bwire (Uganda),  La Taliye– Marwo Maureen Mudi (Kenya).

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Africa  (FAJ) Marwo, Maria Luisa Rogerio, oo shir guddoomineysay shirka intii doorashayooyinka socdeen, heysatayna sharciyad ah in ay shirkaas ay qabtaan oo ay u talo saarteen ururada ku mideysan EAJA ayaa kadib shir guddoonka wareejisay markii doorashadu dhacday.

Qabsoomidda shirweynaha iyo doorashada hoggaanka cusub ayaa wax badan ka bedeli doonta howlaha ururka u qabanayo wadamada uu sida tooska u metelo. Waxaa kali ah oo aan shirka ka soo qeyb gelin dalka Suudaan.

bariga unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed

 

Previous Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay hiigsiga 2016-ka”Dhageyso+Sawiro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In