Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweyne dib loogu u eegayo Qorshayaasha Puntland sanadaha 2014-2015 oo maanta ka furmay Garoowe”sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, dhammaan wasiirada iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Puntland iyo sidoo kale madaxda hay’addaha kale ee maamulka.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo furitaanki shirweynahaan khudbad dheer ka jeediyey ayaa sheegay in lagama maar maan ay tahay in shacabka Puntland maanta loo soo bandhigo waxa sanad kadib u qabsoomay xukuumada.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

”Maanta waxaan joogna dhammaadka sanadka 2014, waxana waajib oo muhim ah inaanu isla xisaabtano dadkuna ay nala xisaabtamaan wixii aan balan qaadnayna aanu sheegno waxa ka qabsoomay, wixii aan ka qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen haday jiraan”Ayuu yiri Mmadaxweyne Gaas.

”Wax badan baa dadka Puntland u balan qaadnay horumar baan u balan qaadnay iyo sidookale wax qabad dhab ah oo kala duwan ayaanu u balan qaadnay mid caafimaad mid waxbarasho mid nabad gelyo sidookale waxaanu balan qaadnay inaanu la dagaalano burcad badeed, tahriib iyo xagjirnimo”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Dadka waa in ay u cadahay dawladnimada, taas ayaana keenaysa korna u qaadaysa dawladnimadeena iyo ku qanacsanaanta dadka ee dawladooda waxaas oo dhan ayaanu balan qaadnay, maanta marka waxa nalaka rabaa si cad dadka Puntland in aanu ugu sheegno”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in horumar la taaban karo laga gaaray mudada sanadka ah islamarkaana uu rajaynayo in sanadka soo socda horumarka hada lagaaray mid ka wanaagsan la gaaro si shacabka Puntland kalsooni buuxda ugu qabaan dawladooda.

IMG_3765 IMG_3776 IMG_3788 IMG_3794 IMG_3796 IMG_3810 IMG_3816 IMG_3830 IMG_3845 IMG_3846 IMG_3850 IMG_3854 IMG_3855 IMG_3863 IMG_3866 IMG_3867 IMG_3879 IMG_3883 IMG_3884 IMG_3885 IMG_3889 IMG_3912  IMG_3923

Previous Post

Horjooge sare oo Al-shabaab ah oo ay gacanta ku dhigtay dowladda Soomaaliya

Next Post

Shilal Gawaari oo khasaare nafeed geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda

Next Post

Shilal Gawaari oo khasaare nafeed geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In