Iyadoo lagu guda jiro maal maha hore ee bisha barakeysan ee Ramadan ayaa waxa isbadal laga daremayaaย sicirka waxyaabah aas aasiga u ah bulshada sida qudaarta noocyadeeda kala duwanย hilibka iyo dhuxusha
Waxaan maanta booqanay suuqa qudaarta ee Degmada Xamarweyne, iyadoo aan la kulanay ย ganacsatada iibisa qudaarta iyo waxyaabaha ay isticmaalan bulshada Soomaaliyed xiliga soonka, waxayna noo shegeen in uu isbadal dhanka qudaarta ah uu jiro bisha barakesan ee Ramadan.
Sayid Cali Yuux Xasanย iyo ย Aamino Yuusuf waxa ay suuqa Xamarweyne ku iibiyaan hilibka iyo qudaarta,ย ayaa sheegay in haatan uu xoogaa isbadal jiro, isla markaana ay rajeynayaan inay raqiis noqoto.
Bisha barakesan ee Ramdaan ayaa waxaย ciriiri badan lag adareema suuqyada magaalda Muqdisho, iyadoo taa ay sabatay in bulshada Soomaaliyed ay bishan Ramadan ย ay aad uย iibsadaan qudaarta noocyadeeda kala duwan.
Sawir Qaade:- Farxaan Daahir Suleymaan
























































