Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sida looga ciiday Beijing oo Shiinaha ah iyo Soomaalida ku nool “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
June 6, 2019
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Safiirka Soomaliya oo gacan-qaadaya safiiro kale kadib salaada ciida. June 5, 2019

Beijing(SONNA)-Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Waddanka Shiinaha ayaa ku dhawaad 2000 oo Muslimiin ah salaadii Ciida kula dukaday Misaajid weyn oo ku dhex-yaala Safaarada dalka ee Suudan ee Caasimada Beijing maanta oo Arbaca ah.

Shacbiga dalkan Shiinaha ayaa 1.4-ta bilyan, waxaa muslimiin ah, 28 milyan kamida sida Culimada iyo mas’uuliyiinta waddanka ay u sheegeen Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, waxaana ku yaala magaalada misaajida dhisan dhawr iyo toban qarni.

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Barxadda S. Sudan kadib Salaad. S/qade: Maxamed Cisman, June 5, 2019

Balse Muslimiinta salaada Ciida ku oogtay gudaha Misaajidka iyo barxada Safaarada Suudan ayaa u badan diplomasiyiin, arday, iyo ganacsato dalal badan oo Muslimiin ah ka soo jeeda.

Safiirka Soomaaliya ee waddanka Shiinaha, Amb. Cawale Cali Kullane, qonsulka safarada ahna ku xigeenkiisa, Cali Maxamed Xuseen iyo u qayb-sanaha safarada ee dhanka socdaalka,Maxamed Cabdi Warsame ayaa farxadooda ku aadan la wadaagay Shacbiga Muslimiinta, si gaar ah ummadda Soomaaliyeed, una rajeeyey nabbad, midnimo iyo bar-waaqo, sannadka dambena uu Alle nagu gaarsiiyo nabbad iyo caafimaad.

Madaxda Safaarada iyo Wariyaha oo sawirka wadajir ah ka muuqda

“Waa maalin ku weyn dadka Muslimiinta oo soo gutay acmaasha bisha barakeysan ee Ramadan, Alle ha inaga aqbalo aqmeesheena, Waxan hambalyo leeyahay shacbiga Soomaaliyeed, waxan rajeynayaa inaan gacanta is-qabsano kuna gaarno guul, midnimo iyo hurumar”, Amb. Kullane ayaa SONNA u sheegay.

Wariyaha SONNA ee Beijing, Maxamed Cismaan Cabdi ‘Black Cobra’ ayaa waxa si gaar ah u soo jiitay sida Safaarada Sudan uga khidmeynayso umadda Muslimiinta ee ee ku dhaqan caasimada Shiinaha marka ay noqota gudashada cibabada Alle, waxaana ay sannad walba si gaar ah uga soo dirtaa misaajidkaas laba Imam oo tujiya saladaha Tarawixda iyo Tajudka oo quraanka oo dhan lagu akhriyo, halka misaajidaha kale suurado gaa-gaaban lagu dukado.

Haweenka oo isla mar la duktay ragga, sawiro ku galaya barxada misajidka

Uga dambeyn Wariyaha ayaa diyaarinaya macluumaad badan oo Muslimiinta waddanka Shiinaha ku saabsan oo siyaabo kale duwan wax looga sheego, wuxuna safar ku tagaya qaar kamida 33-da gobal ee Shiinaha uu ka kooban.

Wariyaha SONNA oo salaamaya Safiirka dalkeena ee China, Amb. Kulalne

W/D: Maxamed Cismaan Cabdi ” Black Cobra”

ku gaar Twitter: @mohamedosma4

Beijing-China

Previous Post

Mareykanka oo duqeymo ku dilay xubno ka tirsan Daacish

Next Post

Ciidanka xoogga Dalka oo soo qabtay xubin ka tirsanaa sahanka Al-Shabaab+Sawirro

Next Post

Ciidanka xoogga Dalka oo soo qabtay xubin ka tirsanaa sahanka Al-Shabaab+Sawirro

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In