Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuuro Kenyaata oo ka dhacdey magaalada Nayroobi.
Musaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad ku aaddan hiigsiga, horumarka Kenya iyo xirriika uu dalkaasi laleeyahay waddamada kale ee qaaradda Afrika waxaa ka jeediyay Madaxweye Kenyaata, iyadoo ciidammada kala duwan ee Kenya ay halkaasi ku soo bandhigeen dhoolatus lagu maamusayo caleema saarka.
Xafladda caleema saarka Madaxweyne Kenyaata ayaa ka dhacdey Garoonka Ciyaaraha ee Kazarani waxaana Madaxdii lagu marti qaaday ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Madaxweynaha dalka Botiswana Mudane Ian Khama, Madaxweynaha dalka Rwanda Mudane Paul Kagame, Madaxweynaha dalka Tanzania Mudane John Pombe Magufuli, Madaxweynaha dalka Zambia Mudane Edgar Lungu,Madaxweynaha dalka Namibia Mudane Hage Geingob, Madaxweynaha dalka Togo Mudane Faure Gnassingbé, Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo caalamkaba ka socday.