Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, “Ciqaabta Iyo Mihnadda Saxafinimo Waa Kala Caaganyihiin”+SAWIRRO

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, “Ciqaabta Iyo Mihnadda Saxafinimo Waa Kala Caaganyihiin”+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xeerka saxaafadda ee dib-u-eegis dheer lagu sameeyay kadib uu saxiixay madaxdweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda dhaqan gelinta xeerka warbaahinta, ayaa caddeeyay in xeerkan oo la tashiyo ballaaran iyo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”.

Xeerka saxaafadda ee madaxweynuhu saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, hase yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaran, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee dalku saxiixay 2016.

Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay waxaana wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 oo bahda warbaahintu mar kale ay dood ka keeneen, waxaana ugu dameyn meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay madaxweynaha dalka.

Previous Post

Ciidamada Amniga Gaalkacyo Oo Gacanta Ku Dhigay Maandooriyayaal

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha wasiirka gargaarka XFS+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha wasiirka gargaarka XFS+Sawirro

Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha wasiirka gargaarka XFS+Sawirro

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In