Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii hayaha wasiirka Difaaca oo ciidamo ka tirsan Xoogga kula hadlay Tiyeglow

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqdey degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool, halkaas oo uu kula soo hadlay ciidammo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sii hayaha wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Mudane Maxamed Sheekh Xasan, ayaa waxaa socdaalkiisa uu ku tagay degmada Tiyeglow ku wehliyey saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaailyeed, markii  halkaasi tagayna waxaa ku soo dhoweeyey masuuliyiinta ciidammada ee ku sugan degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Sii hayaha Xilka wasiirka Gaashaandhigga Somalia, General Maxamed Sheekh, ayaa soo indha-indheeyey gooboaha ay ciidammada Xoogga ku sugan yihiin kaddibna waxa uu meel fagaaro ah kula hadlay ciidammada oo uu u jeediyey hadallo dardaaran iyo guubaabo ah.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Difaaca Somalia, ayaa yiri. “halkaan waxaad u joogtaan dhammaantiin waa jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Difaaciiisa, waajib ayaana idin ka saaran sidii aad umadda Soomaaliyeed cadowga  uga ilaalin lahayddeen,  madaxda Qaranka waxa ay diyaar u  tahay in ay ku dadaallaan daryeenkiina, balse waxaan idin ku adkeeyanaa in la dhowro xaquuqda shacabka oo aanan lagu xadgudbin, dhowaanna maxkamadda ciidammada ayaa Tiyeglow laga dhisi doonaa”.

General Maxamed Sheekh Xasan, ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in ciidammada ay u dhabar adeeggaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada inta laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan, sidoo kale ciidammada ayuu ku ammaanay sida ay u qaateen tababarradii Tiyeglow lagu siiyey.

 

 

 

Previous Post

Kooxda Swansea City oo Amaah Kula Soo Wareegtay Nelson Oliveira

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo Xeraale kula kulmay Qaybaha Bulshada Degaankaas

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo Xeraale kula kulmay Qaybaha Bulshada Degaankaas

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In