Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii hayaha Wasiirka Tamarta XFS oo Imaraadka Carabta uga qeyb galaya shir looga hadlayo Tamarta +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Sii hayaha Wasiirka Tamarta XFS oo Imaraadka Carabta uga qeyb galaya shir looga hadlayo Tamarta +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii ahayaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dalka ayaa Imaaradka Carabta uga qeyb galayo shir looga hadlayo Tamarta laga dhaliyo cad-ceedda.

 

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026

Shirka oo uu Wasiir ku-Xigeenka ahna sii hayaha Wasaaradda  Tamarta  iyo Khayraadka Biyaha Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim uga qeyb galayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Tamarta  cad-ceedda laga dheliyo  ama Solarka, Waxaana shirka Soo qaban qaabisay  Hay’ada  Tamarta IRENA oo fadhigeedu yahay magaalada Abu Dubai ee dallkaasi Imaaradka Carabta.

Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim, Wasiir ku-xigeeka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha dalka oo furitaanka shirka ka jeediyay hadalo kooban ayaa ka waraxbiyay muhiimada Soomaaliya u leedahay korantada laga dhaliyo Cad-ceedda.

“Waxaa xoogga saareynaa sidii aan dalkeenna oo cadceeddiisa wanaagsan uga faa’iideysan lahayn,waxaana hay”addan IRENA oo dalkeenna uu xubin muhiim ah ka yahay uga mahad celineynaa sida ay arrimahan ugala shaqeyneyso Soomaaliya, anigana waxaan naga go’an sidii aan u dar dar gelin lahayn arrimaha tamarta,” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax Ibraahim.

Dhinaca kale, Wasiir Cusmaan Libaax Ibrahiim ayaa dalka Imaaradka uga qeybgalayo Shirka Tamarta ee sanad laha  ah ee dowladda Imaraadka ay qabato, kaas oo ay ka qeyb galayaan xubno ka socda Dowladaha Carabta, Afrika, iyo hay’adaha caalamka ee ka  Shaqeeyo arrimahan Tamarta iyo sida looga faa’iideysan karo.

W/Q: Abdirashiid Nuur

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda XFS oo faah faahiyay shirkado ay shatiyo siiyeen

Next Post

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland oo maanta xilka la wareegay+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland oo maanta xilka la wareegay+Sawirro

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland oo maanta xilka la wareegay+Sawirro

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026
0

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii lagu guda...

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In