Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siihayaha taliyaha Booliska oo xariga ka jaray rugo cusub oo ay leeyihiin ciidanka Booliska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cusmaan Cumar Wehliye Gasgas oo maanta kormeer ku tagey qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa uu xariga ka jaray dhowr barood oo noqon doona rugo ay ka howlgalaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaasoo lagu soo kordhiyay rugaha ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Rugaha uu taliyuhu xariga kajaray ayaa ah ilaa sadex rug oo laga kala furay degmooyinka Hodan, iyo C/casiis isagoo dhinaca kalena soo kormeeray howlaha ay ciidanka Boolisku ka hayaan garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan,Xarunta ciidanka nabadgalyada wadooyinka ee {Visha Tarffico}

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ciidanka Booliska ayaa rugo cusub ka sameystay Xaafadaha Taleex iyo Seypiano oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxaana intaa kadib uu taliyuhu xariga kajaray rug kale oo laga hirgeliyay degmada C/Casiis iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen munaasabadaha furitaanka rugahaasi boqolaal katirsan dadka degmooyinka Hodan iyo C/casiis.

Siihayaha taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cusmaan Cumar Wehliye Gasgas oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in rugahan cusub loogu talogalay sidii loo kordhin lahaa howlgallada ciidanka Booliska Soomaaliyeed

 

Previous Post

Sanad guurada Koobaad ee aas’aaska hay’adda cilmi baarista & badaha Soomaaliya oo maanta loo dabaal degay

Next Post

Wasaaradda Cadaaladda oo qabatay doorka dhaqanku ku yeelan karaan u kala garsoorka bulshada ”SAWIRO”

Next Post

Wasaaradda Cadaaladda oo qabatay doorka dhaqanku ku yeelan karaan u kala garsoorka bulshada ''SAWIRO''

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In