Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Shirka caadiga ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada ku mideysan Ururka Midowga Afrika , wareegiisa 26aad , oo ka furmay Caasimadda Ethiopia oo loogu tala-galay in loogu gogol xaaro shir madaxeedka Madaxda iyo hogaamiyeyaasha Afrika ay isugu imaan doonaan Magaalada Addis Ababa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida nagu soo fool leh.

Ku dhawaad illaa iyo afartan Wasiiro Arrimaha dibadeed ayaa ku sugan madasha shirka oo socon doona laba cisho.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika ayaa yeelanaya kulamo albaabada u xiran , waxa ayna ka doodi doonaan ajandayaal ay soo jeediyeen dowlado xubno ka ah Ururka , sida dowladda Masar oo soo jeedisay aas’aasidda Unugga taageera howlaha dhex-dhexaadinta iyo ka hortagga colaadaha iyo sidoo kale talo jeedinno kala duwan oo ka kala yimid wadamada Niger,Swaziland,Zambia,Cameroon iyo Chad.

Wasiiradu waxa ay falan-qeyn doonaan ka hortagga cudurka Ebola, qalalaasaha ammaan ee ka jira qaar ka mid ah wadamada Afrika ,la dagaalanka kooxaha Al shabaab,Alqaacida iyo Boko Haram.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu wadaa in Shirka uu khudbad ka jeediyo , oo uu ku xusayo horumarka siyaasadeed iyo midka ammaan ee ka dhaqan-galay Soomaaliya

Wasiir Bayle ayaa mudada shirka uu ka soconayo Addis Ababa,waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Danjirayaal.

Gelinkii hore ee maanta ayey aheyd markii wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ay ka ambabaxeen garoonka caalamiga Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

1

2

3

4

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo 26/01/2015

Next Post

Xulalka Tunisiya iyo DR Congo oo u Soo Baxay Wareega Labaad ee Koobka Qaramada Afrika

Next Post
Xulalka Tunisiya iyo DR Congo oo u Soo Baxay Wareega Labaad ee Koobka Qaramada Afrika

Xulalka Tunisiya iyo DR Congo oo u Soo Baxay Wareega Labaad ee Koobka Qaramada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In