Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka “Jaamacadda SIU tallaabo aad u muhiimsan ayay qaaday oo aan horey loo arag” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Siihayaha Wasiirka Caafimaadka “Jaamacadda SIU tallaabo aad u muhiimsan ayay qaaday oo aan horey loo arag” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kun iyo todobo boqol arday oo ka mid ah ardayda dhigata kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIU oo maanta u fadhiisatay Imtixaanka sanadlaha ah ee 2014-2015 ayaa waxaa kormeer howleed ku tegay Siihayaha Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Xareed, isagoo mid mid u booqday fasalada ay ardaydu Imtixaanka ku galayeen.

Sii hayaha Wasiirka Caafimaadka  ayaa u jeedada kormeerkiisu ahayd sidii uu ugu kuurgeli lahaa ardayda barata kuliyadda Caafimaadka, agabyada ay ku bartaan tayadooda iyo qeybaha cusub ee Jaamacadda lagu soo kordhiyay, isla markaana uu u dhiri gelin lahaa ardayda dhigata Jaamacadda SIU tayayooda waxbarasho.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Mudane Cali Xareed ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay ku jiraan qalabka ay ardaydu ku bartaan caafimaadka sida meelaha ay yaalaan Meydadku ay ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee qaliinka  si ay sare ugu qaadaan aqoontooda dhaqtarnimada, isagoo warbixin kooban ka dhageystay maamulada goobaha uu kormeeray.

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin booqashada Wasiirka, isla markaana ardayda ay u tahay mid dheeri gelin ah, isagoo ardayda u rajeeyay inay imtixaanka ku guuleystaan.

“Sharaf weyn ayay u tahay Jaamacadda SIU in maanta uu soo booqdo Wasiirka Caafimaadka, runtii waxa uu indhahiisa ku arkay qaabka aan ardayda Imtixaanka uga qaadno, agabyada aan wax ku barno, dhiri gelin bay noo tahay, waxay kaloo dhiiri gelineysaa ardayda dhigata Jaamacadda” ayuu yiri Prof Yaxye.

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Xareed ayaa sheegay in maamulka Jaamacaddu ay ku guulesyteen sidii ardayda dhigata kuliyadda caafimaadka ay qalab casri ah oo dhanka caafimaadka u heli lahaayeen, isagoo ardayda u rajeeyay in ay ku guuleystaan waxbarashadooda ayna ka gaaraan heer wanaagsan, si ay u noqdaan dhaqaatiir wax gal leh oo bulshadooda u adeegta.

“Farxad ayay ii tahay in aan maanta booqasho ku imaado Jaamacadda SIU, runtii waxaan arkay qolalka ay ku jiraan meydadka ee ay ardayda qaliinada ku baranayaan, tani waxa aan dhihi karaa waa tallaabo horumar leh oo ay gaareen Maamulka sare ee Jaamacadda SIU, ma moodeen in Jaamacad sidaan oo kale in ay Xamar ku taallo, way i farxad gelisay runtii” ayuu hadalkiisa ku daray Sii hayaha Wasiirka Caafimaadka.

Jaamacadda SIU oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Muqdisho ayaa waxa ay noqotay Jaamacaddii ugu horeysay ee ardayda dhigata Kuliyadda Caafimaadka u keenta meydad ay ku sameyaan qaliinada, isla markaaka arday u dirtay Jaamacadda Mekerere ee dalka Uganda si ay hal semester halkaasi ugu soo qaataan tababar dheeri ah.

IMG_0025 IMG_0062 IMG_0081 IMG_0087 IMG_0117 IMG_0131

Previous Post

Xuska dhalashada Nabigeena Muxamad (NNKH) oo lagu qabtay Mareykanka “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Siihayaha Wasiirka Gaadiidka oo sheegay in Soomaaliya ay la wareegtay maamulidda hawada “SAWIRRO”

Next Post
Siihayaha Wasiirka Gaadiidka oo sheegay in Soomaaliya ay la wareegtay maamulidda hawada “SAWIRRO”

Siihayaha Wasiirka Gaadiidka oo sheegay in Soomaaliya ay la wareegtay maamulidda hawada "SAWIRRO"

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In