Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka “Jaamacadda SIU tallaabo aad u muhiimsan ayay qaaday oo aan horey loo arag” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Siihayaha Wasiirka Caafimaadka “Jaamacadda SIU tallaabo aad u muhiimsan ayay qaaday oo aan horey loo arag” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kun iyo todobo boqol arday oo ka mid ah ardayda dhigata kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIU oo maanta u fadhiisatay Imtixaanka sanadlaha ah ee 2014-2015 ayaa waxaa kormeer howleed ku tegay Siihayaha Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Xareed, isagoo mid mid u booqday fasalada ay ardaydu Imtixaanka ku galayeen.

Sii hayaha Wasiirka Caafimaadka  ayaa u jeedada kormeerkiisu ahayd sidii uu ugu kuurgeli lahaa ardayda barata kuliyadda Caafimaadka, agabyada ay ku bartaan tayadooda iyo qeybaha cusub ee Jaamacadda lagu soo kordhiyay, isla markaana uu u dhiri gelin lahaa ardayda dhigata Jaamacadda SIU tayayooda waxbarasho.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Mudane Cali Xareed ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay ku jiraan qalabka ay ardaydu ku bartaan caafimaadka sida meelaha ay yaalaan Meydadku ay ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee qaliinka  si ay sare ugu qaadaan aqoontooda dhaqtarnimada, isagoo warbixin kooban ka dhageystay maamulada goobaha uu kormeeray.

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin booqashada Wasiirka, isla markaana ardayda ay u tahay mid dheeri gelin ah, isagoo ardayda u rajeeyay inay imtixaanka ku guuleystaan.

“Sharaf weyn ayay u tahay Jaamacadda SIU in maanta uu soo booqdo Wasiirka Caafimaadka, runtii waxa uu indhahiisa ku arkay qaabka aan ardayda Imtixaanka uga qaadno, agabyada aan wax ku barno, dhiri gelin bay noo tahay, waxay kaloo dhiiri gelineysaa ardayda dhigata Jaamacadda” ayuu yiri Prof Yaxye.

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Xareed ayaa sheegay in maamulka Jaamacaddu ay ku guulesyteen sidii ardayda dhigata kuliyadda caafimaadka ay qalab casri ah oo dhanka caafimaadka u heli lahaayeen, isagoo ardayda u rajeeyay in ay ku guuleystaan waxbarashadooda ayna ka gaaraan heer wanaagsan, si ay u noqdaan dhaqaatiir wax gal leh oo bulshadooda u adeegta.

“Farxad ayay ii tahay in aan maanta booqasho ku imaado Jaamacadda SIU, runtii waxaan arkay qolalka ay ku jiraan meydadka ee ay ardayda qaliinada ku baranayaan, tani waxa aan dhihi karaa waa tallaabo horumar leh oo ay gaareen Maamulka sare ee Jaamacadda SIU, ma moodeen in Jaamacad sidaan oo kale in ay Xamar ku taallo, way i farxad gelisay runtii” ayuu hadalkiisa ku daray Sii hayaha Wasiirka Caafimaadka.

Jaamacadda SIU oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Muqdisho ayaa waxa ay noqotay Jaamacaddii ugu horeysay ee ardayda dhigata Kuliyadda Caafimaadka u keenta meydad ay ku sameyaan qaliinada, isla markaaka arday u dirtay Jaamacadda Mekerere ee dalka Uganda si ay hal semester halkaasi ugu soo qaataan tababar dheeri ah.

IMG_0025 IMG_0062 IMG_0081 IMG_0087 IMG_0117 IMG_0131

Previous Post

Xuska dhalashada Nabigeena Muxamad (NNKH) oo lagu qabtay Mareykanka “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Siihayaha Wasiirka Gaadiidka oo sheegay in Soomaaliya ay la wareegtay maamulidda hawada “SAWIRRO”

Next Post
Siihayaha Wasiirka Gaadiidka oo sheegay in Soomaaliya ay la wareegtay maamulidda hawada “SAWIRRO”

Siihayaha Wasiirka Gaadiidka oo sheegay in Soomaaliya ay la wareegtay maamulidda hawada "SAWIRRO"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In