Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Wiil yar oo xubinta taranka ka dhiban (Daawo)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo booqday Wiil yar oo xubinta taranka ka dhiban (Daawo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abuukar Isaaq Axmed Waa Wiil yar oo Lix Bilood jira, isla markaana ku sugan Kaamka barakacayaasha ee Deegaanka Sarkuusta duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo xubinta taranka ka Xanuunsanaya kaddib markii ay dilaacday qeybta kaadi heysta, Wasiir Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaana ku booqdey halkaasi, isagoo soo eegeyay xaaladda uu ku suganyahay, si uu waalidiintiisa ula wadaago dhibka wiilkooda haysta.

Wasiirka Warfaafinta, ayaa xiriir la soo sameeyey Dr.Cismaan Maxamuud Dufle si loo Qiimeeyo halka uu gaarsiisan yahay xanuunka Abuurka yare, Wasiirka ayaa sidoo kale Xarunta Takhsusiga ee Dr Dufle ku ballamiyey waalidiinta iyo gabdho laba ah oo iyagauna uu hayo Xanuunka ku dhaca maqaarka, waxaana dhammaan dhibaneyaashaasi uu isugu geeyey Xarunta Dr Dufle ee Magalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Markii uu xarunta Caafmaadka la keenay bukaannada, ayaa waxa uu markiiba Dr Cismaan Maxamuud Dufle baaritaan ku sameeyey Abuukar Isaaq Axmed oo lix Bilood jira, waxa uu saaray Computer si xaaladdiisa uu wax uga ogaado.

Sidoo kale Dhaqtarka ayaa qiimeeyey xanuunka haya laba gabdhood oo walaala ah, isla markaana ku dhashay xanuunka, kuwaas oo kala ah Sacdiyo Cismaan Cali oo 13 jira ah iyo Nimco Cismaan Cali oo 11 Jir, una baahan gurmad caafmaad oo deg deg ah.

Dr. Cimsaan Maxamuud Maxamed Dufle, ayaa War-bixin ka siiyay xaaladda ay ku sugan yihiin bukaannada sadexda ah Siihayaha Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaya iyo sida wax loogu qaban karo xanuunkooda, isagoo wasiirka u sheegay in ay u baahan yihiin gurmad caafmaad oo dibedda ah, bulshada Soomaaliyeedna ay waajjib ku tahay in arrintaan ay ka qeyb-qaataan.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa Bulshada Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibedda ku sugan ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa Carruurtan dhibaateysan oo u baahan Caafmaad dibedda ah, isagoo intaa raaciyey in ay diyaar u yihiin wasaarad ahaan in Bulshada loo bandhiyo macluumaadka Arrintaan.

Carruurtan dhibaneyaashaa oo ay dadkooda yihiin kuwa dar yar ah, ayaa u baahan in loo helo gurmad caafimaad si Carruurtoodu u helaan caafimaad iyagoo u baahan iskaashiga dadka Soomaaliyeed oo ah Caafimaad dibedda ah, wasaaradda Warfaafinta ayaa diyaar u ah in ay hagto xiriirka Bulshada Soomaaliyeed iyo Caruurtaan dhibaateysan oo sameyneysa isku xirkooda.

IMG_0377

IMG_0411

IMG_0412

IMG_0418

IMG_0422

IMG_0425

IMG_0427

IMG_0429

IMG_0430

IMG_0451

IMG_0452

IMG_0468

IMG_0486

IMG_0529 />

Sawir:-Qaade Qadar Cali Nuur

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo booqday Radio Gaalkacyo bambooyin lagu weeraray Xarunteeda (Sawirro)

Next Post
Wasiirka Waxbarashada Puntland oo booqday Radio Gaalkacyo bambooyin lagu weeraray Xarunteeda (Sawirro)

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo booqday Radio Gaalkacyo bambooyin lagu weeraray Xarunteeda (Sawirro)

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In