Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiislka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Cafis Campaign Qabteen dood iyo Falaqayn Ku saabsan Asal iyo Dhaxalka Qabyaalada,heybsooca iyo Is cafinta ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kasoo qayb Galay siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir kuxigeenka Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis,agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Sheekh Yuusuf AL-cadaala,guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Madax Bannaan Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey,Masuuliyiin Ka kala Socotay heyadaha Dawladda iyo dhamaan qaybaha Kala Duwan Ee bulshada inteeda kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Mas’uuliyiintii ka qeybgashey barnaamijkaasi ku saabsan Mashruuca xasilinta Soomaalia ee TIS ayaa ku amaanay shaqsiyaadkii soo qaban qaabiyay barnaamijkani dowrka ay ku leeyihiin in bulshadu ay fahamto ahmiyadda ay leedahay iscafinta,waxaana dadkasi kamid ah Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Sheekh Yuusuf AL-cadaala, Mukhtaar Yuusuf Cirro  C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto) Iyo  kooxda Cafis Campaign.

Waxaa barnaamij ku soo bandhigay halkaasi wiil Soomaaliyeed, oo si iskiis ah u cafiyay askari goor habeen ah, isagoo maraya bar koontarool oo ku taalla Ceelgaabta rasaas ku furay oo dhaawacay. Askarigii uu cafiyay iyo isaga, ayaa markii ugu horeysay hor yimid barnaamijka si toos ah, iyadoo askarigu ka mahadceliyay cafiska kadib markii isagoo xabsi ku jira loo sheegay in la sii deynaayo madaama ninkii uu dhaawacay uu cafiyay.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dhaawacay, Cabdullaahi ayaa sheegay in askarigu uu kontaroolka u taagnaa si uu ummadda Soomaaliyeed uga difaaco Qatarta, uuna gaashaan u ahaa qaraxyada iyo dhibaatada loo soo maleego, rasaasta uu furayna ay keentay taxadar iyo qatar uu markaas is lahaa ka hortag, sidaas darteedna uusan mudneyn in la ciqaabo.

Barnaamijkani ayaa dhiiro gelin u ah Waa Dariiqa Kaliya Ee umada Soomaaliyeed ay isku cafin karto,Waxaana ujeedka uu yahay in ay ka dhalato doona hadii la joogteeyo kulamada noocan ah inay umadda Soomaaliyeed isku calool furnaato.

Previous Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo abaal mariyay Ciidankii Fashiliyay qaraxyadii Shalay+ Sawirro

Next Post

Wasiirka Maaliyadda: shaqsi mudan in lagu daydo.

Next Post
Wasiirka Maaliyadda: shaqsi mudan in lagu daydo.

Wasiirka Maaliyadda: shaqsi mudan in lagu daydo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In