Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siilaanyo oo casho sharaf xalay Hargeyso ugu sameeyay wefdigii dhowaan halkaa gaaray- Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Siilaanyo oo casho sharaf xalay Hargeyso ugu sameeyay wefdigii dhowaan halkaa gaaray- Sawirro

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay casho sharaf u sameeyey xubnaha ururada bulshada rayidka ah ee dhowaan gaaray deegaanada gobolada waqooyi ee Soomaaliya si ay u gaarsiiyaan kaalmo lacageed oo dhan hal milyan oo doollar looguna talagalay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Weftigaas oo ka koobna 12 xubnood oo isugu jira salaadiin, culimaa’udiin, ganacsato iyo  haween, waxaana kulanka cashada ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliland, xubnaha ka tirsan maamulkiisa iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo kamid ahaa mas’uuliyiin halkaasi dhowaan gaaray oo kulanka cashada ka hadlay ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka Soomaaliland si wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ah guddoomiye ku xigeenka hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in la isku gurmado in ay tahay mid qeybka ah Islaamnimada, walaaltinimada iyo Soomaalinimada isla markaana sidan oo kale ay Soomaaliland sameeyeen xilligii abaaraha ay ka jireen koofurta Soomaaliya sanadkii 2011ka.

Wasiirka madaxtooyada Soomaaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka diinta iyo owqaafta Sheekh Xasan C/salaam, oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyay wefdiga u soo gurmaday dadka walaalahooda ah oo ay abaaraha halakeeyeen.

Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Soomaaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hadalka qaatay ayaa dhankiisa mahad naq balaaran u jeediyay dadkii u soo istaagay in ay gurmad la soo gaaraan dadka dhibaateysan.

Dhanka kale wefdiga ururada bulshada rayidka ah oo gurmadka gaarsiiyay deegaanada ay baarta saameysay ayaa saaka ku soo wajahan magaalada  Muqdisho kadib markii howshii ay halkaa u tagaan ay u soo dhamaatay.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Xigasho: Boramaonline

 

Previous Post

Ciidamada amniga oo Maan-dooriyaha Xashiishadda gacanta ku soo dhigay+Sawirro

Next Post

Dad ay daadad ku dileen gobolka Owdal

Next Post
Dad ay daadad ku dileen gobolka Owdal

Dad ay daadad ku dileen gobolka Owdal

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In