Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Siminaar aqoon kororsi ah oo loo soo gabo gabeeyay maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Siminaar aqoon kororsi ah oo loo soo gabo gabeeyay maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda SIU “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo lagu soo xirayay siminaar ku saabsanaa sidii loo tayeyn lahaa aqoonta maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda SIU oo socday muddo labo maalmod ah ayaa manta laguso gaba gabeyay magalada Muqdisho.

Waxaa munasabada goob joog ka ahaa mas’uuliyin ka mid ah mamulka iyo macalimiinta Jaamacadda, iyadoo casharada ay bixinayeen  Dr C/risaaq Xasan Maxamed, Jaamac Cabdullaahi Gubaash iyo Lea kuusileti Awale oo u dhalatay dalka Finland oo siminaarka kaga qeyb qaadatay muuqaal araga Skype.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

Siminarka waxa uu  la xiriiray qorsha wanaaga, hogaanka iyo ilaalinta waqtiga oo dhamaan ahaa ciwaano wax  gal u ahaa mamulkii iyo macalimiintii qaybta ka ahaa siminaarka.

Shukri Cabdiqaadir Axmed iyo Maxamed Axmed Mire oo ka mid aha macalimiintii siminaarka aqoon kororsiga ah loo soo gabo gabeeyay oo madasha ka hadlay ayaa xusay in waxyaabaha ay ka faa’iideysteen siminaarka ay ku dabaqi doonaan adeegyada ay u hayaan ardayda Soomaaliyeed, ayna ku faraxsanyihiin siminaarka loo qabtay. Waxay sidoo kale macalimiinta ka codsadeen guddoonka Jaamacadda in la joogteeyo kulamada kuwan oo kale ah,  madaama ay ka faa’ideen cilmi, tusale u ah dadaallada maamulka Jaamacadda S.I.U ee ay ku tayaynayaan tacliinta sarre.

Madaxa xiriirka guud ee Jaamacadda SIU Cabdullaahi Goomeey Dhabocadeye ayaa sheegay in ujeedka siminaarka uu yahay sidii maamulka iyo macalimiinta ay u xoojin lahaayeen wajibaadka kasaaran u adeegidda ardayda Soomaaliyeed.

“Siminaarkan waxaa lagu baranayay hogaaminta wanaagsan, qorshe wanaagga iyo ilaalinta waqtiga, runtii waxaan leenahay in badan ayaa laga faa’iiday, waxaana ku rajo weynahay inaan joogteyno siminaarada nuucaani oo kale ah”ayuu yiri Cabdullaahi Goomeey.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda SIU ee dhanka maaliyadda Suheyb Cilmi Dhuxulow oo soo xiray siminaarka ayaa xusay in muddada yar ee ay jirto Jaamacadda ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh, sida xiriirada caalamiga ah ee Jaamacadda ay la yeelatay Jaamacado magac iyo miisaan kuleh Qaaradda Africa oo Jaamacadda S.I.U ay u dirtay arday, iyadoo isticmaalayso barnaamijka iswaydaarsiga ardayda iyo Jaamacadda oo loo dhamaystiray dhammaan agabka ardayda ay u baahan yihiin si ay u helan xuquuqda ardaynimo.

“Runtii ilaalinta waqtiga oo uu maanta na siiyay Dr Jaamac, waxaan dhihi karnaa, maamulka Jaamacadda SIU horey ayay ugu guuleysteen, sababtoo ah iyada oo waqti yar jirta ayay horseed ka noqotay Jaamacadaha dalka ku yaalla, maxaa yeelay waxa ay arday u dirtay Jaamacado ku yaalada Dalalka Uganda, Kenya iyo Sudan oo ay ku soo qaadanayaan tababbaro dhanka caafimaadka ah” ayuu yiri Suheyb Cilmi Dhuxulow.

Ugu dambeyntii macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda SIU ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjumeysa waxyaabaha ay siminaarka ku qaateen.

IMG_3400 IMG_3402 IMG_3407 IMG_3416 IMG_3432  IMG_3445 IMG_3451 IMG_3452 IMG_3454 IMG_3464 IMG_3470 IMG_3480  IMG_3485 IMG_3497 IMG_3498   IMG_3509 IMG_3512  IMG_3523 IMG_3524 IMG_3529 IMG_3547 IMG_3553 IMG_3561 IMG_3563 IMG_3570  IMG_3575 IMG_3576 IMG_3580 IMG_3598 IMG_3605  IMG_3625 IMG_3645 IMG_3647 IMG_3648 IMG_3650 IMG_3652 IMG_3654 IMG_3658 IMG_3659 IMG_3661 IMG_3662 IMG_3663 IMG_3664 IMG_3665 IMG_3666 IMG_3667 IMG_3668 IMG_3670 IMG_3671 IMG_3672   IMG_3675 IMG_3676 IMG_3677  IMG_3679 IMG_3680

Sawir Qaade:- Mohamed M Hassan White-ka

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’isul wasaaraha oo Wasiir cusub magacaabay

Next Post
R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW

Ra’isul wasaaraha oo Wasiir cusub magacaabay

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In