Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Arimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga iyo Guddiga Garsoorka, Arimaha diinta iyo Awqaafta ayaa maanta ka qeyb-galay shir, ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Iskaashiga Caalamiga ah, shir kaasoo Ajendahiisu ahaa,Hab-maamuuska dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Dadka.
Waxaana, sidoo kale, kasoo qeyb-galay. Madax kala duwan, oo ka socday, Urur Gobolleedka IGAD Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Diblomaasiyiin kale.
Shirkan ayaa lagu qabtay,Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga wuxuuna socon doono muddo labo casho ah oo wadatashi ah, intuu socdo wadashiga waxaa kaso qeyb-geli doonaa Xildhibaanno ka kala socda sadaxda Guddi.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah u saxiixay, hab-maamuuska dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Dadka.
Hab-maamuuskan, ayey horey u ansixiyeen todobada waddan ee xubnaha ka ah IGAD Taariiqdu markay aheyd 26-kii Febraayo, 2020 Waa tallaabo muhiim u ah, oo kor loogu qaadayo, isu socodka xorta ah ee Badeecadaha, adeegyada iyo Dadka.