Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaqda lagu shubo Xeebaha dalka oo laga digay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 27, 2016
in Wararka
0
Wasaqda lagu shubo Xeebaha dalka oo laga digay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Cilmi baarista iyo badaha Soomaaliya ayaa maanta siminaar ku saabsan ka hortagga wasaqda lagu shubayo badda u soo gabo gabeeyay qaar ka mid ah shacabka ku nool degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Siminaarkan oo socday muddo saddex cisho ah, isla markaana lagu baranayay sida looga hortagi karo wasaqada lagu shubayo xeebaha dalka iyo dhibaatooyinka ka dhasha oo ay bixinayeen macalimiin taqasus u leh arrimahasi ayaa lagu soo gbao gabeeyay degmada c/casiis, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta hay’adda cilmibaarista iyo badaha Soomaaliya, maamulka degmada C/casiis iyo xubno kale.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Dadkii ka qeyb galay siminaarka ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin in loo qabto siminaar lagu wacyi gelinayo ka ka hortagida wasaqda lagu shubayo xeebaha dalka, ayna gacan ka geysanayaan sidii arrimahaasi looga hortagi lahaa

Guddoomiye ku-xigeenka degmada C/casiis ee dhanka arrimaha bulshada Eng, Maxamuud Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay balan qaadayaan in bulaacadaha aan mar dambe lagu shubi doonin xeebta, ayna sharciga la tiigsan doonaan cidkasta oo ay arrimahaasi ku arkaan.

“Casharada halkan aan ka bartay waxaa ka mid ahayd wasaqeynta badda, reer C/casiis hadaan nahay, kan maamul ahaan bulaacad magaalada laga keenay inaan xeebta lagu shubi doonin, sidaas oo kale khamiistii iyo jimcihii waxaan sameynay inaan qaadno bacaha ay dadka jalaatada ka cunaan oo aan ognahay inay kiimiko ku jirto”ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka,

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmibaarista iyo badaha Soomaaliya Admiral faarax Axmed Cumar {Qare} ayaa tilmaamay in siminaarkan uu yahay sidii bulshada ku dhaqan xeebaha magaalada Muqdisho loogu qaban lahaa wacyi gelin ku saabsan ka hortagga wasaqda lagu shubayo xeebaha dalka.

“Sidaas awgeed ayan bilownay inaan abaabulno wacyigelin duruus lagu baranayo, oo aan ka bilownay degmada C/casiis, kaasi oo socday muddo saddex cisho ah, dhibaatada bada lagu hayo ayaa keentay inaan u qabano, waxaana ka dignay in aan qashinka lagu shubin, bulaacadaha aan lagu shubin iyo lagana ilaaliyo dhiiga kawaanada xoola qalka ah, waayo dhibaatooyin ayay keenayaan, sababtoo ah laguma qubeysan karo” ayuu yiri Faarax Qare.

Siminaarada nuucaani oo kale ayaa ah kuwa lagu baraarujinayo bulshada Soomaaliyeed inay ka hortagaan wasaqda lagu shubayo xeebaha dalka

Previous Post

Xudur deegaano hoos yimaado oo Al-shabaab laga saaray

Next Post

Barlamaanka oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda

Next Post
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin

Barlamaanka oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In