Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarka oo maanta si rasmi ah uga furmay xaruunta Madaxtooyada Koonfur galbeed ee Soomaaliya  ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed  mudane Shariif Xasan Sheekh aadan, Wasiiru-dawlaha  xafiisk Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Burci  Maxamed Xamza, mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan FAO, xafiiska siyaasadda UNSOM iyo waliba qaar ka mid ah golaha Wasiirada maamulkaasi

Siminaarka oo si wadajir ah ay u qabteen dawladda Fadaraalka ee Soomaaliya  iyo maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya  ayaa u jeedkiisu yahay sida ugu haboon ee loo badbaadin karo duur joogta dhirta iyo waliba deegaanka oo dhowr iyo labaatinkii sano aynu soo dhaafnay aan helin wax daryeel ah, waxaana inta uu socoda tababarka ka qeybgali doona shaqaalaha Wasaaradaha  beeraha, Kalluumeysiga, dalxiiska, duurjoogta, macdanta iyo Wasaaradda Bii’ada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026

Wasiiru-dawlaha xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Burci  Maxamed Xamza ayaa  warfidiyeenka usheegay in dawlada federaalka mashruuckasta oo ay fulinayso ay la kaashan doonta maamul gobaleedyada ka jira dalka  ayna noqon doonin kuwa gobalo kooban lagu qabto.

“Anaga hadaanahay dowladda federaalka waxaa naga go’an mashruuc kasta oo aan helno in aan la kaashano dawlad gobaleedyad ka jira gayiga Soomaaliya, mashaaricdaani ma noqon doonto mid aan ka fulinayno gobalo kooban, hada hadaan ka tagno Baydhabo waxaan u socona Gobalada Dhexe si aan mid kan la mid ah aan uga qabano” ayuu yiri Mudane Burci.

Madahaweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa  uga mahad celiyey dowlada federaalka Soomaaliya  iyo hay’adda FAO dadaalka dheer oo ay uga jiraan sidii loo ilaalin lahaa duur joogta dhirta iyo deegaanka.

“Waan uga mahad celinaynaa dawlada federaalka iyo hay’adda FAO sida ay uga go’an tahay in la badbaadiyo dhirta, duurjoogta iyo deegaanka waayo Soomaaliya waxay lahaan jirtay duur joog aad u badan laakiin  daryeel la’aan ayaa uga barakaceen Soomaaliya marka in la soo celiyo duur joogtii waa laga maarmaan  sidoo kale in laxanaaneeyo dhirtuna waa mid aad looga baahnaa marka hadii aan, nahay Koonfur Galbeed waa ka faa’ideysan doona  mashruucan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed.

Previous Post

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Next Post

Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

Next Post
Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In