Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarka oo maanta si rasmi ah uga furmay xaruunta Madaxtooyada Koonfur galbeed ee Soomaaliya  ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed  mudane Shariif Xasan Sheekh aadan, Wasiiru-dawlaha  xafiisk Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Burci  Maxamed Xamza, mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan FAO, xafiiska siyaasadda UNSOM iyo waliba qaar ka mid ah golaha Wasiirada maamulkaasi

Siminaarka oo si wadajir ah ay u qabteen dawladda Fadaraalka ee Soomaaliya  iyo maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya  ayaa u jeedkiisu yahay sida ugu haboon ee loo badbaadin karo duur joogta dhirta iyo waliba deegaanka oo dhowr iyo labaatinkii sano aynu soo dhaafnay aan helin wax daryeel ah, waxaana inta uu socoda tababarka ka qeybgali doona shaqaalaha Wasaaradaha  beeraha, Kalluumeysiga, dalxiiska, duurjoogta, macdanta iyo Wasaaradda Bii’ada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Wasiiru-dawlaha xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Burci  Maxamed Xamza ayaa  warfidiyeenka usheegay in dawlada federaalka mashruuckasta oo ay fulinayso ay la kaashan doonta maamul gobaleedyada ka jira dalka  ayna noqon doonin kuwa gobalo kooban lagu qabto.

“Anaga hadaanahay dowladda federaalka waxaa naga go’an mashruuc kasta oo aan helno in aan la kaashano dawlad gobaleedyad ka jira gayiga Soomaaliya, mashaaricdaani ma noqon doonto mid aan ka fulinayno gobalo kooban, hada hadaan ka tagno Baydhabo waxaan u socona Gobalada Dhexe si aan mid kan la mid ah aan uga qabano” ayuu yiri Mudane Burci.

Madahaweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa  uga mahad celiyey dowlada federaalka Soomaaliya  iyo hay’adda FAO dadaalka dheer oo ay uga jiraan sidii loo ilaalin lahaa duur joogta dhirta iyo deegaanka.

“Waan uga mahad celinaynaa dawlada federaalka iyo hay’adda FAO sida ay uga go’an tahay in la badbaadiyo dhirta, duurjoogta iyo deegaanka waayo Soomaaliya waxay lahaan jirtay duur joog aad u badan laakiin  daryeel la’aan ayaa uga barakaceen Soomaaliya marka in la soo celiyo duur joogtii waa laga maarmaan  sidoo kale in laxanaaneeyo dhirtuna waa mid aad looga baahnaa marka hadii aan, nahay Koonfur Galbeed waa ka faa’ideysan doona  mashruucan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed.

Previous Post

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Next Post

Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

Next Post
Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In