Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siyaarada Sheekh Yuusuf oo lagu qabtay Xeraale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Xeraale iyo Wasiiro ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa ka qayb galay siyaaradii Sheekh Yuusuf oo sanadkaan lagu dhigay magaalada Xeraale.

Sanad waliba waqtigan oo kale ayaa la xasusaa Sheekha, waxaana uu ku aasan yahay tuulada Huurshe oo ka mid ah deegaanada ku yaala waqooyiga Gobolka Galgaduud, ammaanka guud ee magaalada Xeraale iyo deegaanada ku dhaw ayaa aad loo adkeeyay si loo ilaaliyo Nabadgelyada goobta siyaarada iyo marti sharaf kala duwan oo u yimid magaalada ka qayb galka Xuska siyaarada Sheekh Yuusuf oo kamid ahaa (AUN) Mashaa’ikhda culimada Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Sanadkan waxaa dadka degan Xeraale ay ku siyaaranayaan sheekhooda goobta oo ah gudaha magaalada Xeraale waxaana sabata kaliftay in lagu dhigo xeraale oo aan la tagin goobtii hore ee Huurshe ka hadlay Gudoomiyaha magaalada Xeraale Bashiir Daahir Yaasiin oo tilmaamay in xaruntii hore ee Sheekh ay iminka ku suganyihiin dhagar qabayaasha Al-Shabaab, waxaana u guddoomiyaha bulshada ka dalbaday inay sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Sheekh Cabinaasir Sheekh Yuusuf oo ka mid ah Awlaaddii Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Maxamed Maxamuud iyo Nabadoon Cabdulle Macalin Ibraahin ayaa uga mahadceliyay dadka soo qayb galay siyaarada  Sheekha.

Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Daryeelka Naafada  Mahad Maxamuud Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Galmudug Mursal Cabdiraxmaan Axmed oo ka hadlay gababadii siyaarada ayaa  ku baaqay in laga shaqeeyo Nabadda .

 

 

Previous Post

Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center oo deeq lacageed gaarsiiyay qoysaskii eheladooda ku dhinteen qaraxii Soobe “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In