Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siyaasadaha looga hortagayo leexsashada gargaarka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Siyaasadaha looga hortagayo leexsashada gargaarka oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada hay’adda SoDMA Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa maanta soo xiray Aqoon is weydaarsi ku saabsan Dhaqangelinta Xeerarka iyo Siyaasadaha looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadannimo.

Aqoon-is-weydaarsigani waxaa ka soo qayb galay lataliyayaal, howlwadeenno ka tirasan Hey’adda SoDMA, Saraakiil ka kala Socday ururka Qareenada , NGO-yada, iyo hay’addaha ka shadaqa arrimaha gargaar ka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

La-taliyaha sare ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka u qaabilsan ka hortagga leexsashada gargaarka Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa shareaxaad ballaaran ka siiyay ka qaybgalayaasha muhiimadda Hay’adda SoDMA iyo dadaalka dheeraad ah ay ku bixisay in Xeerar iyo Siyaasado looga hortagayo leexsashada gargaarka Bani’aadminimo.

Aqoon is weydaarsigan ayaa ahaa madal lagaga wadahadlaya isla-markaana la isku weydaarsanayay sidii loo hirgelin lahaa fulinta siyaasado iyo xeerar adag oo loogaga hortagi karo khataraha leexsashada gargaarka bani’aadminimo si loo ilaaliyo hufnaanta howlaha samafalka iyo gargaarka, iyada oo ujeeddooyinka waaweeyn ee aqoon isweeydaarsigan yahay:

* In loo ololeeyo horumarinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka looga hortagayo leexsashada gargaarka bini’aadantinimo.

* Muujinta muhimadda ay leedahay dhaqan gelinta siyaasadaha iyo xeerarka jira si looga hortago leexsashada gargaarka.

* Dhiirigelinta iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha si loo xoojiyo hufnaanta bixinta gargaarka bani’aadminimo.

Ugu danbeeyn, madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada hay’adda SoDMA Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la helo wadiiqooyin, Xeerar iyo Siyaasado ay dowladda Soomaaliya leedahay kaas oo lagu hago hay’addaha arrimaha gargaarka bani’aadminimo ka shaqeeya, taas oo lagu gaarayo in la helo sharci lagu istaajin karo isdaba marin arrimaha gargaarka ah taas oo muhiim tahay in si sax ah u gaarsiino dadka loogu talagalay.

Previous Post

The Somali Minister of Foreign Affairs, with his Egyptian counterpart, is investigating the expansion of bilateral cooperation

Next Post

Xildhibaanno iyo xubno kale oo dalbaday in laga qeybqaato dhismaha cisbitaal laga hirgalinaayo Gedo

Next Post
Xildhibaanno iyo xubno kale oo dalbaday in laga qeybqaato dhismaha cisbitaal laga hirgalinaayo Gedo

Xildhibaanno iyo xubno kale oo dalbaday in laga qeybqaato dhismaha cisbitaal laga hirgalinaayo Gedo

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In