Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soo wareejinta Maamulka Hawada, waa Qaranimada oo dib loo soo celiyay (FAALLO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Soo wareejinta Maamulka Hawada, waa Qaranimada oo dib loo soo celiyay (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa maqneyd muddo ku dhow 27 sano, taasi oo laga maamulayay Wadamada Deriska la ah Dalka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay dowladdu sheegtay inay la soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991-kii laga maamulayay Magaalada Nairobi, ayna gacanta ku heysay Hey’adda ICAO.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheynaysa dhawaan in la furo dugsiga tababarka maamulka iyo maareynta hawada, si loo diyaariyo aqoonyahanno iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay maamulka iyo maareynta hawada, kana hawlgala guud ahaan dalka, waxaa kaloo jira in Shirkadaha Duulimaadyada Caalamiga ah in ay dalka ka bilaabi doonaan duulimaadyadooda tooska ah, maadaama Soomaaliya ay buuxisay sharciyada duulimaadyada caalamiga ah.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya, isagoo xarigga ka jaray Xarunta iyo qalabka hawada lagu maamulayo, islmarkaana kormeeray shaqada ay hayaan khubarada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray maareynta duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya.

Hadal uu Munaasabadaasi ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn noo ah in aan dib u hanannay maamulka iyo gacan ku heynta hawadeenna. Waxay tani qeyb ka tahay dadaallada aan ugu jirno sidii aan dib ugu hanan laheyn dowladnimo dhammeystiran”, isagoo sidoo kale, tilmaamay in Dowladdu ay dardar gelinayso dadaallada Ilaalinta soohdimaha badda iyo xuduudaha barriga, taasina ay u baahan tahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada dowladda iyo shacabka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddii koobneyd ee dowladda shaqeynaysay ay ku guuleystay dib u soo celinta kalsoonida Beesha Caalamka ay ku qabaan Soomaaliya, taas oo dhabbaha u xaareysa waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka, isagoo in Wasaaraddu waddo qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo,sidaasi daraasaadna qorshe ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay Calamada Dowladaha, dhawaana ay si rasimi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

“Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah,hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline, Jabuuti,Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo,wuuna socda qorshahaasi”, ayuu yiri Wasiir oomaar.

Waxaa kale oo uu Wasiirku soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo garoonada Diyaaradaha ee ku yaala dhammaan Dalka,isagoo xusay in ay wadaan qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo Garoomada hadda jira, si duulimaadyo caalami ah ay u yimaadaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono adeegyada dhanka Gaadiidka, si loo ogaado gaadiidka habka ay u shaqeeyaan lana is waafajin doono, taasi oo uu ku sheegay in ay sahlayso ogaanshaha macluumaadka gaadiidka guud ahaan dalka, islamarkaana hadda ay ka bilowdeen Muqdisho iyo Koonfur Galbeed.

Haddaba waa guul u soo hoyatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed maadama lagu guuleystay in dib loo soo celiyo Maamulidda Hawada Soomaaliya oo gacanta Soomaalida ka maqnaa muddo 27 sano ah, islamarkaana ay haatanba gacanta ku hayaan Khubaro Soomaaliyeed oo ku xeeldheer kala hagidda Duulimaadyada Rayed ka ah, waxaana dhihi karnaa waa Qaranimada Soomaaliya oo dib loo soo celiyay, waxayna ka mid tahay waxyaabaha la taaban karo oo ay ku tilaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qallinka:- Qoraa sare C/laahi Ruush

Previous Post

Xildhibanada Maamulka Hirshabeele oo ka codsaday wasiirada cusub ee  maamulka Hirshabeele in ay ka wadda shaqeeyan Hormaarka degaanka

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay lacago loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la’aanta

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay lacago loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la’aanta

Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay lacago loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la’aanta

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In