Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Soomaali ka qeybgashay Tartanka Cayaaraha Orodka sanadlaha heer caalami “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Soomaali ka qeybgashay Tartanka Cayaaraha Orodka sanadlaha heer caalami “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartanka Cayaaraha Orodka ee loo yaqaano Midnight Sun Marathon oo ay sanad kasta marti geliso Magaalada Tromsø ee Waqooyiga Dalkan Norway ayaa waxaa sanadkaan furay Boqorka Boqortooyada Norway Harald oo ay wehliso Boqoradda Mrs.Sonja waxaana goobjoog ka ahaa munaasabadda furitaanka ciyaarahan Duqa Magaalada Tromsø Mr.Jarle ,masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo dadweyne aad ufara badan.

Tartanka oo ka bilowday Xarunta fagaaraha weyn ee magaalada ayaa waxa ka qeybgalayay 74 dal oo ku yaalla Koofurta Ameerika, Europe, Asia, Australia iyo Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana la ordayay fogaan dhan 21KM

Related posts

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026

Cabdi Macallim Maxamuud waa muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Tromsø ee Dalka Norwey waxa uuna ka qeybgalay Tartanka Cayaaraha Orodka Midnight Sun marathon, isagoo ordayay 10KM muddo 45Daqiiqo ah.

Cabdi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in sanadkaan uu markii ugu horreysay cayaar nuucaan oo kale ah uga qeybgalo dalka Norway, waxa uunaq abanqaabiyeyaasha cayaartan uga mahadceliyey biladda iyo abaalmarinta ay guddoonsiiyeen, isagoo  intaasi ku daray in Soomaaliya ay gashay kaalinta 7aad ee tartanka waxaana kaalinta ugu horreeya ee tartanka ku guuleysatay haweeney u tartameysay dalka Kenya.

Saalax Xasan Axmed waa muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Baardufoss ee dalka Norwey waxa uuna ka qeybgalay tartankaas isagoo tilmaamay  in ay muujiyeen doorkooda ah in Soomaaliya ay ka dhexmuuqato ciyaaraha iyo tartamada ceynkaan ah ee lagu qabanayo wadamada caalamka.

Tartankaan caalamiga ah ayaa la qabtaa sanad kasta bisha juun waxaana lagu qabtaa magaalada Tromsø oo xilligaan xagaaga ah aysan marnaba cadceeddu ka dhicin habeen barkii, waana magaalo aad u qurux badan oo ay ku xeeranyihiin buuro,Webiyo,Jasiirado,iyo Dhuumo ay isticmaalaan gaadiidka waxa ayna magaaladani tahay magaalada ugu weyn woqooyiga wadanka Norway oo marti gelisa dalxiiseyaal farabadan oo ka kala yimid daafaha dunida.

​20150227-152208-0 20160618_154254 image-0.02.01.08ab5d8dda1ee8bdbfcd85eace11d1d27647c2884f6b58ac31c838e2bd7ffc04-V image-0.02.01.a702ca0ff6e5959e7f157954b1df23a05b8c200536deb1749431653d6adb482a-V image-0.02.01.a9547b885a1446fe1cd4c0dd1051b3b7c0207b34b3fe641cb707e31756bd59a8-V

W/D: Maxamed Cabdulqaadir Daahir (MCD)

Previous Post

Tartamayaasha degmada Howlwadaag oo u soo gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”

Next Post

Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post
Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay "SAWIRRO"

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

July 11, 2026
0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay fal argagixiso oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay qorsheynayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In