Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaali tahriib ah oo Masar lagu xeray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maxaad  ka taqaanaa Magefe?  waa qabqable-dagaal oo Liibaayan ah oo quuta dadka tahriibka ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadkaan oo tiradooda ay gaaraysa 180 ruux ayaa doonayay inay ka tahriibaan  xeebaha  Wadanka  Masar, ayagoo ku sii jeeday Wadamada Yurub, waxaana ciidamada amniga  ee dalka Masar ay ka soo qabteen xeebaha dalkaasi, xilli ay ku guda jireen howlo tahriib ah.

Dadka  la soo qabtay ayaa waxaa ay isgu jiraan Soomaali,  Eretria iyo Sudan

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Cumar Suufi Cabdullahi oo ka mid ah  dadka  ku xiran   xabsiga  Buxayra ee Wadanka  Masar ayaa  Radio Muqdisho  u sheegay in ay ku xiranyihiin xabsi 20 km u jirta magaalada Alexandria ee dalka Masar, isla markaana la soo qabtay 20-ka bisha 3aad ee sanadkan.

“Dad badan ayaan ku nahay xabsiga, waxaana nagala soo qabtay meel ka mid xeebaha dalka, xilli aan sugeynay in nala saaro doon, runtii dadka intooda badan waa la sii daayay, gaar ahaan kuwii heystay sharciga qaxootinimo ee UN-ka” ayuu yiri Cumar Suufi.

Cumar ayaa xusay in 101 qof oo ka mid ah dadkii laga sii daayay xabsiga ay 70 ka mid ah ku dhinteen badda oo ay ka mid ahaayeen tahriibayaashii dhawaan doonta kula qalibmatay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Masar.

Cumar Suufi oo ka mid ah dadka iminka ku haray xabsiga ayaa dowladda ka codsaday in laga sii daayo xabsiga, maadaama ay ku heyso dhibaatooyin badan oo xagga nolosho ah.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In