Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida ku nool Norwey oo lacag u soo dirtay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Soomaalida ku nool Norwey oo lacag u soo dirtay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Ololaha Gurmadka Abaaraha Somalia ee magaalada Tromsø ayaa lacag dhan 5,070$ oo u dhiganta 41,235NOK usoo diray Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Somalia iyadoo munaasabadda deeqdaasi lacageed lagu wareejinayay oo lagu qabtay xarunta Masjidka Alraxma Tromsø uu qadka telefoonka qaab muuqaal ah uga qeybgalay Sh.Bashir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed kana mid xubnaha Guddiga Qaranka ee abaaraha Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga Ololaha Gurmadka Abaaraha ee magaalada Tromsø Mohmed Abdulkadir Dahir (MCD) ayaa sheegay in lacagtaas ay iska soo uruuriyeen dad Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Tromsø iyo walaalaha muslimiinta magaalada Kuwaas oo ka damqaday abaaraha iyo macluusha ka jirta Somalia ee aafeysay dadka iyo duunyada, lacgtaas ayaa lagu soo uruuriyey muddo 11-maalmood ah si loogu caawiyo dadka dhibateysan.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Lacagtaasi ayaa waxaa diray wakiilka Dahabshil ee Tromsø ahna guddoomiyaha Guddiga masjidka Al-Rahma Tromsø Adam Cabdullahi Diiriye kaasoo si toos ah ugu shubay lacag dhan $5,070 dollar Account-ka ay Guddiga qaranka Abaaraha ku leeyihiin Dahabshil  MUQD0036051.

Wakiillada iyo abaabuleyaasha Guddiga Ololaha Gurmadka Abaaraha Somalia ee Tromsø iyo odeyaasha magaalada oo ay kamid yihiin Axmed Siraad,Xasan Ceydid,Cabdullahi Afrax ,Adam dirie iyo Ismail Moallim Ahmed ayaa kamahdceliyey doorka iyo juhdiga ay bixiyeen guddiga si loo kaalmeeyo dadka soomaalida ee u dhimanaya harraadka iyo gaajada.

Sh Bashir Axmed Salad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed kana mid ah guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha Soomaaliya

oo si toos ah oo muuqaal ah uga qeybgalay wareejinta lacagtaas ayaa uga mahdceliyey dadka soomaalida ee reer Tromsø kaalinta ay ka qaateen inay lacagtaasi iska soo uruuriyaan kuna taakuleeyaan walaalahood ku dhibaateysan meelo badan oo dalka kamid ah waxa uuna xusay in weli ay dhibaatada abaartu sii xoogeysaneyso loona baahanyahay in gurmadka lasii wado lana laba jibaaro, waxa uu intaasi ku daray in lacagtaasi ay gaari doonto dadka ubaahan islamarkaana ay kamid noqoneyso lacagaha ay qurbajoogta soo direen laguna caawinayo dadka ay abaartu halakeysay.

Sh.Bashir Axmed Salad ayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha kuna tabarucaan wax kasta oo ay awoodaan oo lagu badbaadin karo dadkaasi.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Meel Mariyey Qaraar Ku Aadan Gurmadka Abaaraha Dalka

Next Post

Fursad Shaqo oo ay Gudiga shaqaalaha rayidka soo bandhigeen

Next Post
Fursad Shaqo oo ay Gudiga shaqaalaha rayidka soo bandhigeen

Fursad Shaqo oo ay Gudiga shaqaalaha rayidka soo bandhigeen

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In