Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida ku nool Norwey oo lacag u soo dirtay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Soomaalida ku nool Norwey oo lacag u soo dirtay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Ololaha Gurmadka Abaaraha Somalia ee magaalada Tromsø ayaa lacag dhan 5,070$ oo u dhiganta 41,235NOK usoo diray Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Somalia iyadoo munaasabadda deeqdaasi lacageed lagu wareejinayay oo lagu qabtay xarunta Masjidka Alraxma Tromsø uu qadka telefoonka qaab muuqaal ah uga qeybgalay Sh.Bashir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed kana mid xubnaha Guddiga Qaranka ee abaaraha Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga Ololaha Gurmadka Abaaraha ee magaalada Tromsø Mohmed Abdulkadir Dahir (MCD) ayaa sheegay in lacagtaas ay iska soo uruuriyeen dad Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Tromsø iyo walaalaha muslimiinta magaalada Kuwaas oo ka damqaday abaaraha iyo macluusha ka jirta Somalia ee aafeysay dadka iyo duunyada, lacgtaas ayaa lagu soo uruuriyey muddo 11-maalmood ah si loogu caawiyo dadka dhibateysan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Lacagtaasi ayaa waxaa diray wakiilka Dahabshil ee Tromsø ahna guddoomiyaha Guddiga masjidka Al-Rahma Tromsø Adam Cabdullahi Diiriye kaasoo si toos ah ugu shubay lacag dhan $5,070 dollar Account-ka ay Guddiga qaranka Abaaraha ku leeyihiin Dahabshil  MUQD0036051.

Wakiillada iyo abaabuleyaasha Guddiga Ololaha Gurmadka Abaaraha Somalia ee Tromsø iyo odeyaasha magaalada oo ay kamid yihiin Axmed Siraad,Xasan Ceydid,Cabdullahi Afrax ,Adam dirie iyo Ismail Moallim Ahmed ayaa kamahdceliyey doorka iyo juhdiga ay bixiyeen guddiga si loo kaalmeeyo dadka soomaalida ee u dhimanaya harraadka iyo gaajada.

Sh Bashir Axmed Salad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed kana mid ah guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha Soomaaliya

oo si toos ah oo muuqaal ah uga qeybgalay wareejinta lacagtaas ayaa uga mahdceliyey dadka soomaalida ee reer Tromsø kaalinta ay ka qaateen inay lacagtaasi iska soo uruuriyaan kuna taakuleeyaan walaalahood ku dhibaateysan meelo badan oo dalka kamid ah waxa uuna xusay in weli ay dhibaatada abaartu sii xoogeysaneyso loona baahanyahay in gurmadka lasii wado lana laba jibaaro, waxa uu intaasi ku daray in lacagtaasi ay gaari doonto dadka ubaahan islamarkaana ay kamid noqoneyso lacagaha ay qurbajoogta soo direen laguna caawinayo dadka ay abaartu halakeysay.

Sh.Bashir Axmed Salad ayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha kuna tabarucaan wax kasta oo ay awoodaan oo lagu badbaadin karo dadkaasi.

 

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Meel Mariyey Qaraar Ku Aadan Gurmadka Abaaraha Dalka

Next Post

Fursad Shaqo oo ay Gudiga shaqaalaha rayidka soo bandhigeen

Next Post
Fursad Shaqo oo ay Gudiga shaqaalaha rayidka soo bandhigeen

Fursad Shaqo oo ay Gudiga shaqaalaha rayidka soo bandhigeen

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In