Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida Tromsø oo lacag dhan $8,584 u dirtay dadkii ay saameeyeen fatahaada webiga ee ku nool Beledweyne

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Soomaalida Tromsø oo lacag dhan $8,584 u dirtay dadkii ay saameeyeen fatahaada webiga ee ku nool Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norway ayaa lacag dhan 82,500NOK oo u dhiganta $8,584 Us  Dollar ku wareejiyey Guddiga Culumada ee gacanta ku haya Madjidka Nuur Al-Aqsa ee Magaalada Beledweyne si loogu gurmado dadka soomaaliyeed ee ay waxyeelladu kasoo gaartay Fatahaaddii uu dhawaan sameeyey webiga Shabeelle.
Gurmadkaas  lacageed oo laga soo uruuriyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Tromsø ayaa loogu talogalay in lagu saacido dadka ay dhibaatadu saameysay ee ku nool xaafadaha Magaalada Beledweyne.
Guddiga  Gurmadka ee Fatahaadaha ugu xilsaaran soomaalida  Magaalada Tromsø oo kaashanaya guddiga Masaajidka Al-Raxma ayaa si  wadajir ah u go’aansaday  in lacagtaas ka timid soomaalida Tromsø lagu wareejiyo Guddi  culimo ah  oo ku sugan Magaalada Beledweyne kuwaasoo  gacanta ku haya Masjidka Nuur Al-aqsa oo ay hormuudka ka yihiin
Sheikh Mahad baryare Nuur, Sheikh abdullahi Farah Xiirey iyo Nuur Omar xaaji.
Gurmadkaas lacageed oo inta badan juhdigeeda iyo uruurinteeda uu gacan ka geystay Maslax cali Cusman oo kamid ah guddiga Gurmadka reer Tromsø ayaa ugu dambeyntii ku wareejinay guddigaas reer Beledweyne oo u badan culuma’udiinka Magaalada si ay ugu qeybiyaan dadka ay masiibadu saameysay oo ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadda webiga .
Dadka reer Tromsø oo badankood ah dadka qeyrka jecel ayaa garab istaag iyo taageero dhaqaale u muujiyey dadka ay musiibadu soo wajahdo ee ku nool gobollada kala duwan ee dalka waxaana lagu xusuustaa gurmadkii ay umuujiyeen dadka soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday qeybo badan oo dalka kamid ah.
Guddiga gurmadka reer Tromsø ayaa ku ammaanay dadka reer Tromsø taageerada ay imuujiyeen walaalahood reer Beledweyne oo ay fatahaaduhu saameeyeen waxeyna ku booriyeen soomaalida kale ee ku nool gobollada Norway inay doorkooda qaataan oo ay kaalmeeyaan walaalahooda dhibaatadu gaartay.
Previous Post

Taliska AMISOM oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan baariska dilkii Almaas Elman

Next Post

Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.

Next Post
Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.

Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In