Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida Tromsø oo lacag dhan $8,584 u dirtay dadkii ay saameeyeen fatahaada webiga ee ku nool Beledweyne

admin by admin
November 22, 2019
in Wararka
0
Soomaalida Tromsø oo lacag dhan $8,584 u dirtay dadkii ay saameeyeen fatahaada webiga ee ku nool Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norway ayaa lacag dhan 82,500NOK oo u dhiganta $8,584 Us  Dollar ku wareejiyey Guddiga Culumada ee gacanta ku haya Madjidka Nuur Al-Aqsa ee Magaalada Beledweyne si loogu gurmado dadka soomaaliyeed ee ay waxyeelladu kasoo gaartay Fatahaaddii uu dhawaan sameeyey webiga Shabeelle.
Gurmadkaas  lacageed oo laga soo uruuriyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Tromsø ayaa loogu talogalay in lagu saacido dadka ay dhibaatadu saameysay ee ku nool xaafadaha Magaalada Beledweyne.
Guddiga  Gurmadka ee Fatahaadaha ugu xilsaaran soomaalida  Magaalada Tromsø oo kaashanaya guddiga Masaajidka Al-Raxma ayaa si  wadajir ah u go’aansaday  in lacagtaas ka timid soomaalida Tromsø lagu wareejiyo Guddi  culimo ah  oo ku sugan Magaalada Beledweyne kuwaasoo  gacanta ku haya Masjidka Nuur Al-aqsa oo ay hormuudka ka yihiin
Sheikh Mahad baryare Nuur, Sheikh abdullahi Farah Xiirey iyo Nuur Omar xaaji.
Gurmadkaas lacageed oo inta badan juhdigeeda iyo uruurinteeda uu gacan ka geystay Maslax cali Cusman oo kamid ah guddiga Gurmadka reer Tromsø ayaa ugu dambeyntii ku wareejinay guddigaas reer Beledweyne oo u badan culuma’udiinka Magaalada si ay ugu qeybiyaan dadka ay masiibadu saameysay oo ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadda webiga .
Dadka reer Tromsø oo badankood ah dadka qeyrka jecel ayaa garab istaag iyo taageero dhaqaale u muujiyey dadka ay musiibadu soo wajahdo ee ku nool gobollada kala duwan ee dalka waxaana lagu xusuustaa gurmadkii ay umuujiyeen dadka soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday qeybo badan oo dalka kamid ah.
Guddiga gurmadka reer Tromsø ayaa ku ammaanay dadka reer Tromsø taageerada ay imuujiyeen walaalahood reer Beledweyne oo ay fatahaaduhu saameeyeen waxeyna ku booriyeen soomaalida kale ee ku nool gobollada Norway inay doorkooda qaataan oo ay kaalmeeyaan walaalahooda dhibaatadu gaartay.
Previous Post

Taliska AMISOM oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan baariska dilkii Almaas Elman

Next Post

Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.

Next Post
Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.

Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In