Sunday, June 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Soomaalida UK oo wajahaysa hanjabaado dil ah iyo xadgudubyo kale, kadib dilkii xildhibaan David Ames

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 26, 2021
in Maqaallo
0
Soomaalida UK oo wajahaysa hanjabaado dil ah iyo xadgudubyo kale, kadib dilkii xildhibaan David Ames
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaalida UK oo wajahaysa hanjabaado dil ah iyo xadgudubyo kale, kadib dilkii xildhibaan David Ames

Gudaha magaalada Andover ee waqooyiga London, gaar ahaan degaanka Finsbury Park , hadal heynta ugu badan ayaa ku saabsaneyd cidda uu ka soo hoojeedo dilaagii ninkii tooreeyda ku dilay xildhibaankii  reer England, taas oo dabada la gashay wiil dhow iyo 20jir soomaali ah.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Waxana ay arintaasi sumcad xumo u abuurtay bulsho awalba la daalaa dhaceysay faquuq ku saleysnaa fikir qaldan oo laga aaminsanaa.

Najma Sharif, oo ah gabar 23jir Somali-Biritish ah, kuna dhalatay London, ayaa iyada oo muujieysa sida ay uga xuntahay sheegtay in dadka ingiriiska ah aaney u aqoonsaneyn in ay tahay ingiriis dhalad ah, maxaa yeelay waxa ay aaminsanyihiin in dadka asalkoodu yahay Soomaalida aaney badalmin oo waligood haaf soomaali ahaanayaan, halka hadii aan tago dhulkii hooyadeey iyo aabaheey ka soo jeedeenna la iigu yeero qurbo joog!

Xilli ay ka hadleysay , maalin un kadib dilkii xildhibaanka ee lagu soo eedeeyey Cali Xarbi Cali, ayeeyNajma sheegtay in ay ku adagtahay noloshu halkan ,dhalinyarada madow, hadana muslimka ah.

Cabsida taagan iminka ayaa ah in dilkii xildhibaanka ee lagu eedeeyey wiil Soomaalida ku dhalatay UK, ay sii labanlaabeyso fikirkii qaldanaa ee laga aaminsanaa bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan UK. Waxa ayna arintaasi abuuri kartaa sinji naceyb ay ka dhalan karaan dambiyo ku aadan faquuq iyo naceyb.

Sida uu daabacay wargeyska The Guardian, maamulaha ‘Golaha Ururada Soomaaliyeed’ Kahiye Caalin ayaa sheegay in, maalin kaliya ay ka soo wareegtay markii la dilay xildhibaanka,markii loo soo wariyey hanjabaado dil iyo xadgudubyo ay ka mid yihiin aflagaado. Waxa uuna intaa raaciyey in subaxii xigey ay bilaabeen talo bixin ku socota bulshada soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ganacsiyada leh, hadii ay dareemaan qatar ku aadan sinji naceyb in ay wargaliyaan boliiska iyo gudiga ka hortaga dambiyada, iyo hadii ay caawinaad uga baahdaan golaheena.

“waxaa la inoo soo tabinayey in, dhowr qof oo soomaali ah wajahayeen hanjabaado ah in la dilayo. Sidoo kalena dadku waxa ay sheegayeen in, ay arkayeen erayo naceyb ah sida; ‘Aada Wadankiina Argagixisayahay’ ,oo la soo dhigayo baraha bulshada” ayuu yiri Caalin.

Dhalinyarada soomaalida ah ee ku dhashay UK, ayaa si gooni ah loo beegsanayey , waxaana albaabada la isugu dhiftay dhowr xarumood oo ay dhalinyarada soomaalidu ku madadaali jireen.

Caalin ayaa sheegay in ururkiisu uu xilli goor hore la xiriiray xafiiska duqa magaalada Lodon u qaabilsan siyaasad u dajinta iyo taageeridda in sida ugu haboon loo tabiyo dambiyada naceybka ku saabsan , sidoo kalena uu rajeynayo in uu usbuucaan la kulmo unugta buliiska magaalooyinka waaweyn u qaabilsan dambiyada ka dhasha isir naceybka.

Sacdiya Cali , oo ka mid aheyd asaasayaashii urur lagu  magacaabo  ‘Minority Matters’, ayaa sheegtay in aad loogu baahanyahay in la helo dallad ay ku mideysanyihiin soomaalidu si loo helo cid u dooda danaha bulshada Soomaaliyeed. Waxa ayna sacdiyo tiri “ waa nala iloobay, waxaan nahay dad jira, hadana isla markaana aan la aqoonsaneyn jiritaankooda. Xaqiiqdii dhib la taaban  karo  ayaa na heysta, soomaaliyana nalakama rabo , halkaana nalakama doonayo”.

Rakhia Ismail, oo aheyd mayor -kii magaalada Islington, ayaa iyadu ku tilmaantay sababaha dhalinyarada soomaalida loo beegsanayo ama aan loogu aqoonsaneyn in ay tahay in soomaalidu aysan siyaasada ka qeyb galin sidaasana ay ku waayaan xubintii go’aanada marka la qaadanayo matali laheyd. Ayada ooo eedeysay xibiga labour -ka oo ay sheegtay in soomaalida uu uga baxay balan qaadkii ay codka ku wada siiyeen.

Caalin ayaa isagu sheegay in, inkasta oo waalidku isku dayaan in ay  wiilashooda u abuuraan shaqo hadana dhaliyara soomaalida ah ee ku dhalatay UK, waa kuwo dhaqaale aan ku xisaabtamin oo shaqo la’aan ah. Waxaana sababaya faquuqa iyo habka jaamacadaha iyo shaqo helida oo lagu garbiyo.

Ugu dambeyntii, ayada oo isha la raaceysa dhismaha qadiimka ah ee xaafada Soomaalidu ka degentahay magaalada Andover, oo markaas ku hareereysan dhismaha ay degentahay hay’adeeda samafal, ayey tiri “jiil dhan oo dhalinyaro soomaaliyeed ah ayaa halkan ku dayacan waana lagama maarmaan sidii xal loogu heli lahaa badbaadintooda “.

Previous Post

Federal government and its international partners paise municipal elections in Puntland State.

Next Post

Madaxweynaha Ruushka iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ka hor shirka G20,

Next Post
Madaxweynaha Ruushka iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ka hor shirka G20,

Madaxweynaha Ruushka iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ka hor shirka G20,

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ,Mudane...

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In