Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas ay abaaro saameeyeen oo raashiin la gaarsiiyay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Qoysas ay abaaro saameeyeen oo raashiin la gaarsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga caalamiga ah ee bisha iyo ururka bisha case e Soomaaliyeed ayaa raashiin u qeybiyay ilaa 60,000 oo ruux kuwaas oo kamid ah dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya.

Gobolada Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag ayaa kamid ah meelaha la gaarsiiyay raashiinkan laga qeybiyay, iyadoo waxyaabaha dadkaas loo qeybiyay uu kamid yahay sida Bariis, Digir, Sisin iyo saliidka raashiinka lagu karsado xillia la filayo in roobabka gu’ga ay curtaan bilaha Abriil iyo Juun ee sanadkan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026

Sanakan ayaa waxaa si aad ah ugu hooseeyay roobabkii la filayay in ay ka da’aan deeegaanada isla markaana xaaladda bani’aadanimo sii xumeysay, waxayan taasi sababtay in qiimaha xoolaha nool uu hoos u dhaco maadaama dadka goboladan ku dhaqan ay nolashooda ku tiirsan tahay xoolaha nool.

“Abaarta iyo cuna yarida ayaa xaaladda waxaa ay ka dhigtay mid aad u adag nolasha dadka ku nool gobolada ay khilafaadka ka jireen,”  waxaa sidaasi sheegay madax guddiga caalamiga ah ee  ICRC Soomaaliya Jordi Raich Curco.

“Nasiib daro tani ma ahan mid ku cusub wadanka waxaa horey u jirey abaaro soo noqnoqday iyo daadad sanadihii u dambeeyay. Anaga waxaa ku rajo weynnahay in kaalmadan wax ka tari doono bulshada ay abaarta saameysayUnfortunately,.”

Soomaaliya waxaa soo maraya xilliyo qalalan, oo ay biyaha guraan isla markaana baraagaha ay noqdaan isha keli ah ee biyaha laga helo, markaas oo dadka ay ku qasbanaadaan in ay lacag ku bixiyaan helidda biyaha.

“Xilligan waxaa uu ahaa mid qalalan isla markaana aad u adag,”  ayuu sheegay madaxa ICRC u qaabilsan mashaaricda biyaha Soomaaliya, Fernando Resta. ” Biyaha baraagaha waa ay ka qaalisan yihiin kuwa caadiga loo helo. Raashiin qeybinteynana waa mid la xiriirta si qoysaska ay waqtigii raadinta raashiinka ku bixin lahaayeen in ay ku bixiyaan raadinta biyaha.”

laga soo bilaabo sanadkii 2014, ICRC waxaa ay qandaraas ku bixisay 11 baraagaha biyaha boreholes, 10 ceel biyood oo kuwa gacanta ah sidoo kale 20 meelaha biyaha celisaa ayaa ka fulinay gobolada ay abaaraha saameeyeen.

Sanadkii 2015, 7,800  ruux ayaa la gaarsiiyay 23,000 abuurka geed timireedka si loogu caawiyo dhanka ganacsiga beeraha.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In