Cadowtinimada Soomaalida iyo xabashida waa mid soo soo jireen ah, waxa uuna ka soo bilowday Qarniga 15-aad, waxaana halganka Shumaca shiday Al- imam Axmed Gureey, waxaa kaloo Labada dal ay horey u dagaalameen labo jeer, kuwaasi oo kala ahaa sanadadii 1964-kii iyo 1977-kii. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka oo Dowladihii jiray u sahlay inay shacabku bixiyan xoog, Xoolo iyo Naf, Madaxdooda adeeca, oo hadalkoodana loo hoggaansamo.
Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964-kii, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cabdulle Cusmaan ‘Aaden Cade’, Cabdirashiid Cali Sharma’ake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud dhammaantood allaha u naxariistee, halka Dagaalkii 1977-kiina, ruuxda dagaalku waxay aheyd inay Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan ku soo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Gen.Maxamed Siyaad Bare, Gen.Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Gen. Neero, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale.
Hadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne ka ah Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waana ku kalsoonahay inuu ka soo bixi karo inuu mar kale difaaco Qaranimada, Madaxbanaanida, shatafta iyo karaamada Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida uu u difaacay damacii guracnaa ay dowladda Kenya u damacday Baddeena oo aan heer Maxkamdeed isla gaarnay, haddana waxa uu heli karaa cid uu la kaashado, maadaama uu dalkeennu ku jro dib u soo kabasho, burburkii dalka kadib, waxaana si xoowli ah u socda dib u dhiska ciidanka Qalabka Sida iyo qalabeyntoodaba.
Wasiir ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan Soomaalida u maana sheegtay, isagoo leh Soomaaliya waxa aan ku bixinay Naf iyo Maal fara badan, balse waxaa la garamay masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya,“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, balse taasi micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaasi waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFs Mudane Axmed Macallim Fiqi, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, haddii ay tahay maal ama dhiigba.
Hadalka Wasiirka ayaa daba jooga hadallo xanaf lahaa oo ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayuu ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, isagoo carabka ku dhuftay in hadalada xanafta ah ay sii adkeynayaan Xaaladda haatan jirta.
Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa ‘in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya’ ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah intii u dhaxeysay sanadihii 2007-2008-kii, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca Dad gaaraya 800 kun oo qof.
Dhinaca kale Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo aan aqoon qaabka ama fahansaneyn Mucaaradnimada ayaa Warbaahinta la soo taagan Erayo munaasab ku aheyn xilliga la joogo, loona akhri karo ‘Qaai’inu Wadan’, marka Xildhibaan Zama Zam Muxumad Cumar ‘Gobsan’ oo Qolooyinkaasi ka hadleysay ayaa tiri:- “ War waxaasi Mucaaridnimo ma ahane, Mucaaradnimo anagaa ku soo Caana maalnaye, adinku wixiina mucaaradnimo ma ahane, waa ku macno beeleysiin”, taasi oo loo fasiri karo ‘Mucaaradnimadiina mid maca leh ma ahan, marka loo eego waaqiga jira iyo xaaladda markaasi taagan.
Marka laga hadlaayo heshiis yaa gali kara? “Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyada” sidaasi waxaa yiri:- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Golaha Aqalka sare oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiisyada caalamiga ah ay awood u leedahay oo kali ah dowladda dhexe,wax boos ahna usan uga bannaaneeyn dowlad goboleedyada dalka.
“Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu, marka heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar waxaa dalkeena ugu jira faa’iidooyin badan.” Saneterka ayaa tilmaamay sida ay muhiimdda u leedahay ilaalinta qaranimada midnimada ummadda, si cadowga Soomaaliyeed loogu midoobo, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in Soomaaliya ay faa’iida weyn ugu jirto heshiiska ay la gashay dowlada Masar, islamarkaan wax badan ay ku soo kordhineyso dalka.
Xil. Ifraah Noolooye ayaa iyadana ku hadal darsatay, waxayna tiri:- “Qofna kuma raali gelinayo in dhulkeyga ama baddeyda lagu soo xad gudbo, dowladana innaga ayaa u idmanay in ay heshiisyada waxtarka leh gasho”, waxayna dhammaan Xildhibaanadaasi daba joogaan hadlkii muritda badnaa ee uu kal hore ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna yiri:- “Soomaaliya waa xor, cidda ay doonto ayay la heshiinee” , xilli dowladda Soomaaliya ay iskaashi militery wada saxiixdeen dowladda Masar oo ay cadow u aragto Itoobiya.
Marka laga hadlaayo colaadda ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Xabashida waxaa lagu tilmaamaa inay tahay mid soo jireen waxaad taasi ka dheehan karta sida uu yiri:- Xildh. Cabbdinuur “Markaan Ciyaalka aheyn qofka noogu dhibka badan ama noogu xaasidsan, waxaan dhihi jirnay ‘Xaasidsanidaa ma Xabashi baa tahay’ yacni Cadaawadda Ethiopian-ka aan u qabno awgeed”.
By. C/lahi Ruush