Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya kulan kula yeeshay magaalada Baku, Ra’iisul wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov, oo diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ee mudnaanta leh.

Intii kulanka lagu guda jiray Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Azerbaijan, soo dhoweynta diirran isaga oo muujiyay sida uu u tixgelinayo kaalinta Baku ee xoojinta xiriirka, carabkana ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hore-u-dhaqaajinta wax wadaag joogto oo faaiido u leh labada dal.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026

Dhankiisa Ra’iisul wasaare Asadov ayaa caddeeyay in ay qiimo weyn ugu fadhido xoojinta xiriirka dalkiisu la leeyahay Soomaaliya, isaga oo carabaabay ku qanacsanaantiisa taageerro is-dhaafsiga labada dal ee fagaarayaasha caalamiga ee madallada ururrada adduunka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maal-gashiga, beeraha, adeegyada bulshada, tamarta cagaaran iyo mashaariicda bani’aadannimo.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

Next Post

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

Next Post
Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In