Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo beesha caalamka oo u gogol xaaraya heshiis iskaashi oo heer sare ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Muqdisho, 29 April 2017 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula qaadatay saaxiibada beesha caalamka si loogu diyaar garoobo Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya kaas oo dhici doona 11ka bisha May 2017.

Shirku wuxuu madaxda sare ee DFS siiyay fursad ay ku soo bandhigaan arrimaha siyaasadda ee mudnaanta u leh ugana doodaan waxyaabaha asaaska u noqonaya heshiis iskaashi oo heer sare ah oo ay Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ku wada gaari doonaan magaalada London. Heshiiskan wuxuu ka koobnaan doonaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiiska amniga; taageerada ku aaddan gurmadka abaaraha iyo soo kabashada dhaqaalaha; iyo arrimaha siyaasadeed ee mudnaanta leh oo ay ka mid yihiin geedi-socodka dib u eegista dastuurka iyo geedi-socod dimoqoraadiyadda oo horseedaya doorashooyin qof-iyo-cod ah oo dhaca sanadka 2020.

Ka-qaybgalayaashu waxay bogaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan wada gaareen madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, heshiiskaas oo ku saabsanaa naqshadda cusub ee qaabdhismeedka ciidamada amniga Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu saldhig u noqonayaa wareejinta qorshaysan ee mas’uuliyadaha sare ee amniga dalka loogu wareejinayo hay’adaha amniga Soomaaliya sanadaha soo socda.

“Kulanka maanta wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii lagu gaari lahaa heshiis iskaashi oo heer sare ah oo lagu gaari doono Shirweynaha London ee soo socda ee arrimaha Soomaaliya. Shirweynaha London waa fursad weyn oo lagu dardar gelinayo dib u habaynta, laguna xoojinayo iskaashiga u dhexeeya beesha caalamka iyo Soomaaliya, waxaana lagu dejin doonaa arrimaha laga mideysanyahay ee mudnaanta leh sanadaha soo socda si gacan looga geysto sidii dadka Soomaaliyeed loo siin lahaa mustaqbalka ay mudanyihiin” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qamada Midoobay u jooga Soomaaliya, Michael Keating.

“Caqabadaha horyaalla dadka Soomaaliyeed waa kuwo culculus. Waxaa ka mid ah gurmad wax ku ool ah oo laga geysto abaaraha, abuurista shaqooyin iyo dhismaha dhaqaale adkeysi badan leh, hagaajinta amniga iyo xakameynta colaadaha, iyo geedi-socodka lagu xallinayo arrimaha dastuurka si loo xaqiijiyo xasillooni ballaaran iyo dowlad federaal ah oo xooggan. Furaha guusha waa dib u heshiisiin dhex marta dadka Soomaaliyeed, iyo weliba in beesha caalamka laga helo taageero isku xiran oo joogto ah oo wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya.”

Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya ee qabsoomaya bisha soo socota wuxuu fursad gaar ah u noqon doonaa xaqiijinta taageero heer sare ah oo caalami ah oo ay hesho Soomaaliya marxaladdan adag ee kalaguurka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha

DHAMAAD

Previous Post

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo ku baaqay in farsamada casriga loo adeegsado arrimaha maaliyadda+SAWIRRO

Next Post

R/wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Next Post
R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.

R/wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In