Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay xoojinta ganacsiga Labada Dal+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay xoojinta ganacsiga Labada Dal+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj Cabdullaahi Cali ayaa Magaalada Musqat kula kulmay dhiggiisa Dalka Cumaan, Ali bin Mascuud Al-Sanadi.

Wasiirka oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo rugta ganacsiga Soomaaliya, ayaa madaxdii ay la kulmeen waxay kala hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada Waddan, gaar ahaan dhanka Xoolaha.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada Xoolaha si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka.

Wasiirrada ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xiriira arrimaha ganacsiga iyo Warshadaha, isla markaana la sameeyo Guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka ganacsi ee labada dhinac.

Waxanay sidoo kale isku raaceen in la abuuro madal ay ku kulmaan ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Cummaan (Somali-Oman Business Forum).

Dhinacyadu, waxa kale oo ay isla soo qaadeen in labada Dal ay isku xiraan Dhallinyarada leh hibada hal abuurka ganacsi, maaddaama ay haystaan da’yar aad u badan oo ku wanaagsan ganacsiga casriga ah ee dhanka Tiknoolojiyadda.

Madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo Cummaan ayaa iyaguna yeeshay kulan gaar ah,waxanay ka wada hadleen fursadaha ganacsi ee ay wada yeelan karaan Labada dhinac.

Waxaanay isku Af-garteen in ay ganacsi wadaag noqdaan isla markaana ay yeeshaan kulamo joogto ah oo ay kaga tashadaan kordhinta ganacsigooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisa ayaa intaa ka dib booqday Matxafka Qaranka Dalka Cumman, kaas oo ah meel lagu keydiyo Taariikhda iyo dhaqanka Dalkaasi.

Previous Post

Wasiirka maaliyada oo maanta ka qeeb galay bandhigga warbixinta canshuuraha barriga ee 2020

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Xilka ka qaaday taliye ku xigeenkii CXS

Next Post
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhaweysay dib u habeynta qaab-dhismeedka IGAD β€œSAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo Xilka ka qaaday taliye ku xigeenkii CXS

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In