Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Ethiopia oo iskaashigii ugu balaarnaa ka samaynaya dhinaca maalgashiga

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Joint communique issued after bilateral talks between president Farmaajo and Ithiobia PM Abiy Ahmed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxay ahayd booqasho gaaban balse xambaarsan guulo wax ku ool ah,  waxaana madaxda labada wadan ay fureen baal cusub,  marka la eego miisaanka qodobada heshiiska ay wada galeen ee ku aadan, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasabada, kuwaa oo dhamaanba taabanaya masiirka iyo danaha labada shacab.

Ethiopia waa dal dadkiisku ka badanyihiin 92-Milyan oo aan lahayn  Dekado wax uga soo dagaan, taasnia waxay timid markii ay Eretria kala go’een 1993-dii.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Cabshuur badan ayay ku bixsaa Dekadaha dalalka dariska la ah ee ay wax uga soo dagaan, ama ay ka dhoofiso wax soo saarkeeda uu ugu horeeya bunka ay caanka ku tahay iyo badeecadaha kale, iyadoo ay u sii dheertahay masaafada fog ee dekadaha.

95% waxay isticmaashaa Dekadda Jabuti, balse laguma sii tiirsanaan karo hal il oo kaliya, taas ayaana qodobka ugu wayn heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia ka dhigtay in la maalgaliyo 4-Dekadood oo Soomaaliya ku  yaala.

Soomaaliya oo ah dal gees ilaa ka gees ay bada ku teedsan, islamarkaana samaynaya soo kabasho amni iyo mid dhaqaale waxaa ka furan fursado maalgashi oo isha lagu wada hayo, balse hadda Ethiopia ayaa ku dhiiraneysa inay ka faa’iidaysato.

Ethiopia waxay heshiiska LAPSET kula jirtaa Kenya, kaas oo ah mid baaxad wayn oo Dekadda Lamu ku xiraya gudaha Ethiopia, iyadoo la isticmaalayo Khad Tareen.

Sidoo kale Sudan ayay la dhisaysaa Dekad cusub oo ay Ethiopia saami ku yeelanayso, balse Dekadaha Soomaaliya waxay noqon karaan dariiq ka dhaw.

Fulinta qodobada heshiiskan oo ah halka isha lagu wada hayo waxaa loo saaray gudi isku dhaf ah oo heer wasiir ah, taas oo micneheedu tahay ka go’naashaha labada wadan gaaritaanka mustaqbal wanaagsan iyo iskaashi.

Ka hor Muqdisho, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia waxa uu horay socdaalo ugu tagay dalalka Jabuti, Kenya, Uganda, Sudan, Masar iyo Sucuudiga, si uu isbadal ugu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda, si la mid ah gudaha oo isbadallo ka hirgaliyey.

W/Q: Maxamuud Cabdi Diirshe

Previous Post

Hadal jeedintii Madaxweynaha JFS ee shirkii jaraa’id ee maanta.”Akhriso”

Next Post

Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada oo digniin u dirtay kaluumeysatada soomaaliyeed

Next Post
Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada oo digniin u dirtay kaluumeysatada soomaaliyeed

Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada oo digniin u dirtay kaluumeysatada soomaaliyeed

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In