Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Ethiopia oo iskaashigii ugu balaarnaa ka samaynaya dhinaca maalgashiga

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Joint communique issued after bilateral talks between president Farmaajo and Ithiobia PM Abiy Ahmed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxay ahayd booqasho gaaban balse xambaarsan guulo wax ku ool ah,  waxaana madaxda labada wadan ay fureen baal cusub,  marka la eego miisaanka qodobada heshiiska ay wada galeen ee ku aadan, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasabada, kuwaa oo dhamaanba taabanaya masiirka iyo danaha labada shacab.

Ethiopia waa dal dadkiisku ka badanyihiin 92-Milyan oo aan lahayn  Dekado wax uga soo dagaan, taasnia waxay timid markii ay Eretria kala go’een 1993-dii.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Cabshuur badan ayay ku bixsaa Dekadaha dalalka dariska la ah ee ay wax uga soo dagaan, ama ay ka dhoofiso wax soo saarkeeda uu ugu horeeya bunka ay caanka ku tahay iyo badeecadaha kale, iyadoo ay u sii dheertahay masaafada fog ee dekadaha.

95% waxay isticmaashaa Dekadda Jabuti, balse laguma sii tiirsanaan karo hal il oo kaliya, taas ayaana qodobka ugu wayn heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia ka dhigtay in la maalgaliyo 4-Dekadood oo Soomaaliya ku  yaala.

Soomaaliya oo ah dal gees ilaa ka gees ay bada ku teedsan, islamarkaana samaynaya soo kabasho amni iyo mid dhaqaale waxaa ka furan fursado maalgashi oo isha lagu wada hayo, balse hadda Ethiopia ayaa ku dhiiraneysa inay ka faa’iidaysato.

Ethiopia waxay heshiiska LAPSET kula jirtaa Kenya, kaas oo ah mid baaxad wayn oo Dekadda Lamu ku xiraya gudaha Ethiopia, iyadoo la isticmaalayo Khad Tareen.

Sidoo kale Sudan ayay la dhisaysaa Dekad cusub oo ay Ethiopia saami ku yeelanayso, balse Dekadaha Soomaaliya waxay noqon karaan dariiq ka dhaw.

Fulinta qodobada heshiiskan oo ah halka isha lagu wada hayo waxaa loo saaray gudi isku dhaf ah oo heer wasiir ah, taas oo micneheedu tahay ka go’naashaha labada wadan gaaritaanka mustaqbal wanaagsan iyo iskaashi.

Ka hor Muqdisho, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia waxa uu horay socdaalo ugu tagay dalalka Jabuti, Kenya, Uganda, Sudan, Masar iyo Sucuudiga, si uu isbadal ugu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda, si la mid ah gudaha oo isbadallo ka hirgaliyey.

W/Q: Maxamuud Cabdi Diirshe

Previous Post

Hadal jeedintii Madaxweynaha JFS ee shirkii jaraa’id ee maanta.”Akhriso”

Next Post

Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada oo digniin u dirtay kaluumeysatada soomaaliyeed

Next Post
Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada oo digniin u dirtay kaluumeysatada soomaaliyeed

Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada oo digniin u dirtay kaluumeysatada soomaaliyeed

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In