Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Addis Ababa Is-afgarad dhinaca Difaaca ah kula saxiixday mar kale dhigiisa Ethiopia Mudane Abraham Baley.
Is-afgaradkan ayaa labada Dawladood ay hore u wada gaareen February 2014-kii, waxaana mar kale ay labada Dawladood suurta geliyeen cusboonaysiinta is-afgaradkaas.