Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa maanta lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti Heshiis la xiriira Xaaladda Ciidamada Jabuuti (Status of Force Agreement – SoFA), oo saldhig u ah kordhinta ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cali Xasan Bahdoon, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dowladood.

Heshiiskan ayaa hagaya kordhinta tirada ciidamada Jabuuti ee lagu sii kordhinayo howlgalka ka socda gudaha Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da iyo mudnaanta ay labada dhinac horey uga heshiiyeen. Waxa uu sidoo kale qeexayaa habraacyada faragelinta, waajibaadka labada dhinac iyo hannaanada iskaashi ee labada ciidan, iyadoo lagu saleynayo ruux wadashaqeyn iyo is-ixtiraam.

Iskaashigan wuxuu muujinayaa sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida gobolka.

Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujinaysa xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga dhaqaalaha Isbadalka Cimilada

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In