Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Kenya oo dardar gelinaya dib-u-celinta qaxootiga doonaya in ay Soomaaliya ku laabtaan-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 25, 2016
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Kenya oo dardar gelinaya dib-u-celinta qaxootiga doonaya in ay Soomaaliya ku laabtaan-SAWIRRO

Bidix: Danjiraha Kenya ee Soomaaliya, Madaxa UNHCR Flippo Grandi, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxame Xasan/ Sawir qaade Xasan Baafo

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
Bidix: Danjiraha Kenya ee Soomaaliya, Madaxa UNHCR Flippo Grandi, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxame Xasan/ Sawir qaade Xasan Baafo
Bidix: Danjiraha Kenya ee Soomaaliya, Madaxa UNHCR Flippo Grandi, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxame Xasan/ Sawir qaade Xasan Baafo

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ku heshiiyay qorshe lagu daradar galinayo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xerada Dhabaab, ayadoo loo marayo heshiiska saddex geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dowladood iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Shir ay maanta ku yeesheen magaallada Nairobi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye, dhiggiisa Kenya Aamina Maxamed iyo madaxa UNHCR Filippo Grandi, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu sheegay in dhammaadka sanadkan 2016-ka la qorsheeyay in Soomaaliya lagu celiyo boqol iyo konton kun oo qof oo Soomaali ah, ayadoo la raacayo heshiiska saddex geesoodka ah.

“Dhinacyadu waxa ay qeexeen in hoos loo dhigo tirada qaxootiga ah ee ku jirta Dhadhaab 150,000 oo qof dhammaadka sanadka 2016-ka, ayadoo loo marayo dib-u-ceinta dadka doonaya, dib u dejinta qaxootiga aan Soomaalida ahayn iyo diiwaan gelinta dadka Keenyaatiga ah ee isu diiwaan geliyay qaxooti ahaan” ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka.

Shantii sano ee la soo dhaafay boqol kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa iskood ugu laabtay Soomaaliya, Heshiiska saddex geesoodka ah intuu shaqeynayay 16 kun oo qof ayaa ku laabtay Soomaaliya. UNHCR ayaa sheegtay in dhammaadka bishii May ee sanadkan ay tirada qaxootiga ah ee ku nool Dhadhaab ay hoos u dhacday ayna gaartay 326,000 oo qof.

13509506_1078540662181493_945715199_o

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdsalaan Cumar Hadliye oo saxaafadda kula hadlayay Nairobo isagoo ay garab taagan yihiin dhiggiisa Kenya iyo madaxa UNHCR ayaa yiri “ Dadka waxaa loo celinayaa si doorashadooda ah oo waafaqsan heshiiska saddex-geesoodka ah iyo xeerarka caalamiga ah. Bishaan kaliya waxaa laabay in ka badan kun qof, waxaa saf ku jira oo diyaar u ah in ay laabtaan labaatan kun oo qof, dadkaani ayaga ayaa dooranaya in ay laabtaan”. Wuxuu intaa ku daray in dadkaani ay dalkooda ku heli doonaan nolol wanaagsan.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed ayaa sheegtay in labada dowladood iyo Qaramda Midoobay ay iska kaashanayaan in dadka ku jira xeryaha Dhadhaab dalkooda lagu celiyo, ayadoo la dhowrayo sharciyada caalamiga ah iyo heshiisyada u dhaxeeya dhinacyada.

Madaxa UNHCR Filippo Grandi, ayaa sheegay in taageerada la siiyo dadka dib ugu laabanaya dalkooda la badinayo isla markaana la xoojinayo arrimaha farsamo ee ay u baahan yihiin, taas oo keeni doona in dad badan ay ku laabtaan muddo gaaaban. Wuxuu intaa ku daray in qorshahaani u baahan yahay in deeq bixiyayaashu ay taageeraan, si uu u fulo.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku nool boqollaal kun oo isugu jira Soomaali, Kenyaati iyo dad ka soo qaxay koofurta Suudaan. Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in ay doonayso in ay xerto xeryahaan. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday dhawaan ayaa u sheegay qaxootiga in aan qasab lagu celin doonin laakin ay muhiim tahay in ay waddankooda ku laabtaan, si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalka isla markaana u sameystaan nolol wanaagsan.

13509506_1078540662181493_945715199_o 13549054_1078541175514775_1035372934_o 13499617_1078540918848134_758444681_o 13493523_1078541022181457_1617010925_o
SAWIR QAADE: Xassan Cumar Baafo 
Previous Post

Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hoteelka Naasahablood Kow

Next Post

Ciidamada Amniga oo soo afmeeray weerarkii Hotelka

Next Post
Tiro Al-shabaab ka tirsan oo lagu soo qabtay howlgal laga fuliyay Afgooye

Ciidamada Amniga oo soo afmeeray weerarkii Hotelka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In