Cudurka Kaduudiye ama Kaduudshe (Af Ingiriis : Chikungunya, Af Carabi : ar) waa xanuun uu keeno fayruska Chikungunya, qofka uu ku dhaco ayaa calaamad waxaa u ah qandho soo booddo ah oo haysa labo ilaa toddobo maalin, waxaana ku xiga xanuuno toddobaad, bil ama sanado qaata, wuxuu wataa xaglo (kala goysyo) xanuun badan, u dhimashada cudurkaan ayaa aad u yar, qiyaastii 1000kii hal ayaa u dhinta hadduu alle qadaro, dadka da’da ah ayaa u dhinta badanaa.
Magaca xanuunka “Chikungunya” asal ahaantiisu waa luqadda Sawaahiliga, macnihiisuna waa: “qallooc u socod”, qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka dartiis. xanuunkan ayaa ka yimaada kaneecada loo yaqaan (Aades الزاعجة المصرية) ama qaylisooy. cudurka ayaa laga helaa wadamada Maraykanka , kariibiyaanka, Maksiko iyo wadama ku teedsan xeebaha Bariga afrika, Xanuunkaan ayaan lahayn ka hortag aan ka ahayn in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecadaasi.
Xanuunkaan badanaa dilaa ma aha, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab’iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan, si uu uga fogaado halista fuuq baxa, waana inuu ku dadaalo nasiino. Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa!!. Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro, waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaa qolol Daaqadaha iyo Albabaha u furan yihiin.
Kaduudiyaha dilaa ma ahan badanaa, laakiin wuxuu qofka ka dhigaa tacbaan sidii qof jajaban oo kale, dhaqdhaqaaqana wuu uga sii daraa qofka, qofkii uu ku dhacayne wuu xasuustaa calaamadihiisa.
Kaduudiyuhu muxuu kaga duwanyahay Rift Valley iyo qandhada Dengue?.
Inkastoo seddaxda cudurba ay gudbiso kaneecada loo yaqaano “Aedes”, laakiin xanuunkaan wuxuu kaga duwan yahay inuusan laheyn dhiig-bax, labada xanuun ee Rift Valley iyo Dengue waxay leeyihiin dhiig-bax, tanoo qofka u dhiman karo. balse Xanuunka Kaduudiyaha sidee ayaa loo baaraa? Xanuunka waxaa lagu gartaa qandho iyo kalagoysyada oo dhan oo qofka xanuuno, laakiin waxaa jiro baaritaan lagu dhiig ah oo lagu ogaanayo feyraska keeno kaduudiyaha, mana ahan baaris meel kasto laga helo, laakiin wadamada lagu yaqaano waa laga helaa baaristaasi, waxayna jawaabtu qaadataa Usbuuc illaa laba usbuuc inta u dhaxayso.
Goormuu Kaduudiyaha soo ifbaxay?
Waqtigii uu soo bilowday la iskuma raacsana laakiin waddanka ugu horreeyay ee laga helay Virus-ka ayey su’aalo ka taagan tahay weli oo qoloba meel kuu sheegaysaa, tusaala hay’adda caafimaadka adduunka ayaa leh in cudurkan la ogaaday 1950-yeedii, lagana helay dalalka Philipine iyo Thailand halka Xarunta CDC ay leedahay Latin Ameica, Koofurta Asiya, iyo jasiiradaha Pacific- uuna si dhif iyo naadir qaarada Mareykan uu uga dhaco.
Cudurkan Kaduudiyaha ayaa markii ugu horreysay inta taariikhda lagu sheegay uu ka dilaacay Soomaaliya,islamarkaana dad uu asiibo ahaa sanadka 1950-yadii, sida lagu garan karo hal-heyska ah ‘ KADUUDIYE KAB GUBATAY HA KAA DHIGO’, taasi oo ku tuseyda inuu mar Soomaaliya soo maray, balse mar kale la arkay sannadkii 2006-dii, waxaana uu ku dhacay dad badan, waxaana haatan uu ku dhacay dad badan, kuwa badan ayaa hadda la jiifa, welina wuu u ciil qabaa.
Haddaba waa maxay Calaamadaha lagu garto?
Caalamado dhawr ah ayaa lagu gartaa Kaduudiyaha, waxa uu leeyaha Qandho aad u daran, taasi oo wayeeleysa dhammaan xubnaha jirka haba uga darnaadeene IsgoysyadaLafaha, dhabarka, qoorta, mur-qaha, iyo madax-xanuun aan wax kale oo lala bar-bar dhigaa aanu jirin.
Maxaa lagu Daweeyaa? Ma jirto daawo rasmi ah oo loo qaato Kaduudiye, mana ahan mid la’isku daarto, waxaa isku gudbiya oo kaliya nooc ka mid ah kaneecada oo ruux qabo inta ay qaniinto, ruux fiyow u gudbisa, balse Nadaafada guud iyo kaneeco in lala dagaalo ayaa ka hortag noqon kara.
Haddaba Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiisas cudurka Kaduudiyaha lagu arkay gudaha dalka, gaar ahaan qaar ka mid ah gobollada koonfureed. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Xassan Maxamed, oo la hadlay Warbaahinta , ayaa sheegay in cudurkan uu yahay mid khatar ah oo u baahan ka-hortag degdeg ah, isagoo sheegay in wasaaraddu ay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin: Kormeer caafimaad oo ballaaran oo laga sameynayo goobaha uu fayrasku ku faafi karo, Wacyigelin bulsho oo ku saabsan sida looga hortago kaneecada, Bixinta daawooyin iyo qalab caafimaad oo loogu talagalay xarumaha lagu daweeyo dadka uu haleelo.
Dhinaca kale Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa si rasmi ah u shaacisay in xanuunka Safmarka ah ee Kaduudiyaha uu ka dillaacay Soomaaliya. Kaduudiyuhu “Chikungunya” waa fayras ay faafiso kaneecadu oo leh; qandho badan, kala-goysyada, murqaxaha oo xanuuna & mararka qaar furuuruc jidhka ka soo baxa — ma aha dilaa balse wuxuu dadka dhigaa howlgal maalmo, waxa keliye ee lagu tacaali karaa xanuun-baabi’iye, biyo badan & nasiino, sida ay tilmaantay ‘WHO.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa shaaca ka qaaday in cudurka Kaduudiyaha (Monkeypox), uu si ba’an ugu fiday 119 waddan oo ay Soomaaliya ka mid tahay. waxayna sheegtay in faafitaankan degdegga ah uu u baahan yahay feejignaan dheeri ah iyo iskaashi caalami ah si loo xakameeyo.
Cudurka Kaduudiyaha, oo ah cudur faafa oo hore loogu yaqaanay qaybo ka mid ah Afrika, ayaa sanadihii u dambeeyay ka gudbay xuduudihii hore, waxaana uu gaaray Qaarado badan, taasoo keentay walaac cusub oo dhinaca caafimaadka ah. Sida lagu sheegay warbixinta WHO, kiisaska la xaqiijiyey ayaa sii kordhaya toddobaad walba, iyadoo waddamo badan ay sheegeen xaalado cusub. Soomaaliya ayaana lagu daray liiska waddamada uu cudurku si rasmi ah u saameeyay, inkastoo tirada saxda ah ee kiisaska dalka laga helay aan la shaacin.
Hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu booriyey in ay si degdeg ah u xoojiyaan dadaallada la tacaalidda cudurka, sida wacyigelinta bulshada, ogaanshaha degdega ah ee kiisaska cusub, iyo karantiilka dadka la tuhunsan yahay inay cudurka qabaan, waxayna ku celisay baaqeeda ah ‘in bulshooyinka laga wacyigeliyo hababka uu cudurku ku faafo, kuwaas oo ay ka mid yihiin taabashada tooska ah ee maqaarka qof qaba finan kaduudiya, isticmaalka alaab la wadaagay, iyo xiriirka dhow ee jirka’.
WHO ayaa ku boorrisay dhammaan dowladaha in ay kordhiyaan feejignaanta, lana socdaan kiisaska, ayna qaadaan tallaabooyin ka hortag iyo daaweyn isugu jira, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka, islamarkaana WHO waxay ku boorrisay dadka ku nool meelaha halista ah ‘in ay iska ilaaliyaan kaneecada, isticmaalaan Maro-kaneecada, xirtaan dhar jirkooda ka daboola, una soo dhowaadaan xarumaha caafimaadka, haddii ay isku arkaan calaamadaha cudurka’.
By. C/lahi Ruush