Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis Muhiim ah

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis Muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry André ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixay is-afgarad ku aadan horumarinta iyo garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ahmiyadda is-afgaradkan uu yahay in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidanka Danab, si loo gaaro isku filnaansho ay ciidanka xoogga dalka kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ayka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.

Previous Post

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Saddex Hindise Sharciyeed

Next Post

Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo la kulantay Shirkadaha isgaarsiinta dalka

Next Post
Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo la kulantay Shirkadaha isgaarsiinta dalka

Hay'adda isgaarsiinta Qaranka oo la kulantay Shirkadaha isgaarsiinta dalka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In