Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ganacsi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 12, 2019
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ganacsi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga Masar ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada Dal.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar, ayaa dhanka Soomaaliya waxa u saxeeyay Wasiirka Ganacsiga, Dr; Cabdullaahi Cali, halka Masarna uu u saxiixday Wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah, Haweeneyda lagu magacaabo, Saxar Nasar.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Sidoo kale waxa laga wada hadlay sidii loo samayn lahaa mashaariic wada jira oo ka dhaxeeysa labada Dal sida Dawooyinka qalabka dhismaha, wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha.

Wasiirka maalgashiga Dalka Masar ayaa sheegtay in labada Dal ay sameynayaan iskaashi dhaqaale, lana magacaabayo Guddi dhaqaale oo isku dhaf ah, kana kooban Wasiirro iyo Ganacsato, si kor loogu qaado maalgashiga iyo xiriirka ganacsiga ee ka dhexeeya labada Waddan.

Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Masar ay dedaal badan ku bixineyso sidii loo adkayn lahaa xiriirka dhaqaale iyo kan maalgashi ee kala dhexeeya Soomaaliya

Waxanay intaa ku dartay in xukuumadda Masar iyo ganacsatadeeduba ay diyaar u yihiin in ay uga faa’iideeyaan khirbradda wax soo saarka iyo wershadaha Dadka soomaaliyeed

Sidoo kale Wasaaraddu waxay ugu baaqday ganacsatada labada Dal in ay sii xoojiyaan arrimaha maalgashiga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeya labadan Waddan ee walaalaha ah.

Previous Post

Wafdi ay hoggaaminayso Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya oo Baydhabo gaaray “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Guddi kasoo tala bixiya Waddooyinka xiran ee Muqdisho

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Guddi kasoo tala bixiya Waddooyinka xiran ee Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Guddi kasoo tala bixiya Waddooyinka xiran ee Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In