Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo bayaan wada jir ah soo saaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo bayaan wada jir ah soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo bayaan wada jir ah soo saaray

1. Kaddib marki lai soo-dhoweeyay wafdiga Midowga (AU), Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub (EU) dooddaha farsamo ee Kooxda Afarta Xubnood ah (Quartet) iyo wadahadallada la qabtay 28ka Janaayo 2022 ilaa 9ka Maarso 2022 ee horumarinta Fikirka Hawlgallada (CONOPs), Warbixinta Wadajirka ah (Joint Report), Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS),

Related posts

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026

2. Kaddib markii la xusay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidammada AMISOM iyo Ciidammada Amniga Soomaaliya (SSF) nafta u hureen la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaasna la ammaanay doorka AMISOM iyo kan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ee lagu dhisayo Soomaaliya oo xasilloon oo nabad ah.

3. Kaddib markii la soo-dhoweeyay khariidad-hawleed ay diyaariyeen Kooxda Afarta Xubnood ee CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo xaqiijinta muhiimadda ay leedahay in la raaco jadwalka iyo habraacyada dhammaystirka CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo
Xulashooyinka Taageerada Saadka ee ku jira khariidad-hawleedka lagu heshiiyey ee
Kooxda Afar-Geesoodka ah (Quartet),

4. Kaddib markii la aqoonsaday heshiiskii hore ee farsamo ee DFS iyo Midowga Afrika ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa 21kii Janaayo 2022 ee ku saabsanaa cabbiraadda iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee mustaqbalka ee Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in la xuso ka qayb-galka kulanka is-waraysiga ee Qaahira ee ku saabsanaa Hanka Soomaaliya ee 2021 kadib ee agaasintay Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta iyo Nabaddhiska (CCCPA),

5. Kaddib markii la isku raacay horumarka laga sameeyey diyaarinta qabyo-qoraalka CONOPS-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Muqdisho intii u dhaxeysay 29kii Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 in ay waafaqsan tahay Khariidada lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah (Quartet),

6. Kaddib markii loo mahad-celiyay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyeen AU, AMISOM iyo DFS 14kii sano ee la soo dhaafay dadaallada lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya,

7. Kaddib markii la isla oggaaday in hawsha Kooxda Farsamada Affar-Geesoodka ah (Quartet) loo gudbin doono Madaxda Sare ee Quartet-ka si loo tixgeliyo,

8. Maxaa Xigayo? Kooxaha Farsamada Afar-Geesoodka ah waxay ku heshiiyeen sida hoos ku xusan:

a. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 14ka ilaa 18ka Febraayo 2022 si loo tixgeliyo.

b. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 21ka ilaa 25ka Febraayo 2022 si loo oggolaado.

c. Gudbinta qoraalka kama dambaysta ah ee saddexda nuqul ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika iyo Golaha Amniga Qarammada Midoobay waa ugu dambayn 7da Maarso 2022 si loo tixgeliyo loona meelmariyo 31ka Maarso 2022.

Dhammaad

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Wadatashiga kala hadlay dardargalinta Doorashada

Next Post

Tirada xildhibaanada maanta la dooran doona +Sawirro

Next Post
Tirada xildhibaanada maanta la dooran doona +Sawirro

Tirada xildhibaanada maanta la dooran doona +Sawirro

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In